Tuesday, June 9, 2015

Warbixin Fadeexad ku ah Hawl-galka Hay’adaha QM ee Muqdisho oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka iyo Danjire Kay oo ka gaabsaday

New York, 09 June, 2015 (Himilo)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Mashaariicda ee UNOPS, ayaa fadeexad kala kulantay joogitaankooda Soomaaliya, ka dib markii lagu eedeeyey in saraakiil ka tirsani hub ka iibsadeen dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo Xarunta Qaramada midoobay wax laga weydiiyey warbixin xafiiska mashaariicda u qaabilsan QM ku sheegay in David Bax oo saraakiisha hay’adaasi ka tirsan qoriga lidka diyaaradaha SA-7 ka iibsaday Soomaaliya, ayaa sheegay in arrinkaasi baadhitaan lagu wado.
Mr. Kay oo warbixinta eedaha ninkaa loo dhiibay mar uu joogay xarunta QM ee new York shalay, ayaa sheegay inaanu wax jawaab ah ka bixin doonin wakhtigan arrinkaa isla markaana aanu ka hor-dhacayn baadhitaannada socda
Wakaalada Inner City Press oo ergeyga QM ee Soomaaliya Mr. Kay weydiisay maadama warbixintii hay’ada mashaariicda QM ee UNOPS la dhamaystiray in loo shaacin doono bulshada, waxa uu Mr. Kay ku gaabsaday, “Waan sheegay dhamaan waxaan sheegi lahaa.”

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment