Tuesday, December 1, 2015
Hargeysa: Sigaarka oo ku soo biirey Xayeysiiyada Waddooyinka Caasimadda qabsaday & Xukuumadda oo si adag uga hadashay
Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- “Tubaakadu aad bay u waxyeelaysaa Caafimaadka”. Inkastoo hal-ku-dhiggani ku qornaa Baakadda Sigaarka ee M1 oo boodhadh lagu xayeysiinayaa ku yaalaan Faras-Magaalaha Caasimadda Hargeysa, haddana waxa barbar socday Weedho lagu xayeysiinayo oo lagu soo jiidanayo Dadka Sigaarka cabba, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen “MID LA MID AHI MA JIRO – OGOW WAXAAD CABBEYSO M1 DOORO”.
Boodhadhka lagu xayeysiinayo Sigaarkan ayaa lagu dhajiyey Xagga hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, deyrka Waqooyi ee Dugsiga Sheekh Bashiir iyo weliba Xagga hore ee dhismaha Wasaaradda Caafimaadka, inkasta oo wakhti dambe laga gooyey.
Tallaabada lagu xayeysiinayo Sigaarka M1, waxay ka soo horjeeddaa Shuruucda Caalamiga ah oo dhigaya inaan la Xayeysiin karin Sigaarka Maadaama oo uu dhibaato Caafimaad u keenayo qof kasta oo Cabba.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa Qaraar ay soo saartay sannadkii 2003 waxay ku mabnuucday Xayeysiiska Sigaarka iyo Horumarintiisa, Qaraarkaas oo adduunka lagu baahiyey isla-markaana nuqullo ka mid ahi yaalaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Diiriye oo Telefiishanka HCTV waydiiyey Xayeysiiska Sigaarkan iyo waxa uga meel yaal maadaama oo ay Mabnuuc tahay in la Xayeysiiyo, ayaa ku jawaabay, “Annaga oo adeegsanayna Shuruucda ka taala Sigaarka marka uu Wasiirka Caafimaadku soo noqdo waxa ka go’an Wareegto lagu mabnuucayo Sigaarka isla-markaana dadweynaha dib loogu wacyi-gelinayo, waana Mabnuuc waana dib (In Sigaarka la Xayeysiiyo). Waxaanu uga digeynaa Shirkadaha sigaarka iyo kuwa Xayeyska qora inay dambi tahay.” Ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Mr. Yuusuf Cismaan Garas oo isaguna ka hadlay Xayeyska loo sameeyay Sigaarka M1 ee boodhadhkiisa lagu dhajiyey Suuqyada iyo Xafiisyada Wasaaradaha Dawladda hortooda, ayaa yidhi, “Waar aad u naxdin leh weeye, waayo? maynaan fileynin Tubaakada Xayeysiiskeeda iyo dhiiri-gelinta, waana nasiib daro inteeda leeg in lagu Xayeysiiyo goobihii wax lagu baranayey, sidaa daraadeed anigu ku hadlaya Wasaaradda Waxbarashada oo aan Wasiir ku-xigeenkeeda ahay arrintan tallaabo deg-deg ah ayaanu ka qaadeynaa.”
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment