Wednesday, December 2, 2015

“Ismaan lahayn waxa la tebi oo loo baahan doonaa Gumaysigii Ingiriiska, waayo…?” Abwaan Muuse Cali Faruur

 

Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo) – Abwaan Muuse Cali Faruur oo ka mid ah Hal-abuurrada Caanka ah ee Reer Somaliland, ayaa ka deyriyey xaaladda adag ee uu marayo Deegaanka Somaliland, dhul-daaqsimeedkii dadka ka dhexeeyay iyo heerka Jaridda Dhirtu mareyso iyo weliba ku dhaqan la’aanta Sharciga dalka.

Abwaanka oo Idaacadda Dawladda Somaliland ee Radio Hargeysa si maalin leh ah uga siidaaya Barnaamijka caanka ah ee (MURTIDA MAANTA iyo Muuse Cali Faruur), ayaa Barnaamijkii Salaasadii Shalay ku soo qaatay khatarta ay ku sugan yihiin Xoolaha nool oo dhulkii ay daaqi jireen cid gaar ahi oodatay iyo doorka jaridda Dhirku ku leedahay Abaaraha soo waajaha Somaliland.

Abwaan Muuse oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dhulkii Ingiriisku yidhi yaan Magaalooyinku intaa u dhaafin ayaa Dad weliba ooteen, dhulkii ILLAAHAY oo dhan oo waalla qaybsaday, meel Xoolo lagu dhaqaba waa loo diiday.”

Muuse Cali Faruur oo tilmaamaya in Gumaystihii Ingiriisku ku adkaa ilaalinta sharciga dhulka, ayaa sheegay, “Nin baa laga hayey laba walba isa saarayoo Caawa ka hor laba Tagoogood ismaan saarine, ismaan lahayn waxa la tabi oo loo baahan doonaa Ingiriiskii, waayo? Dhulkii Seerayaasha ee la ootey iyo intii kalena Dhirtii baa laga gumaaday oo waalla qaawiyey dhulkii, marka dhulka la Qaawiyo ee Dhirta la tirtiro waxa yaraada Roobka, oo waakii Abwaanku ku gabyey:-

“Geyigaan Dhirta lahayn

Cirku waa ka gudhanyoo,

Waa Geyi Abaaree

Ha garaacin Geedaha,

Ka daa’ Gudinta,

Hana gubine Gacalloow

Gunta weliba Xaadh-Xaadh

God ay Biyo fadhiistaan..” ayuu yidhi, Suugaan-yahan Muuse Cali Faruur, waxaanu intaa sii raaciyey, “Meeshii xilliga Gu’ga Daaqu ka baxo Jiilaalka lagu baxsan jiray ee dadka oo dhan xoolaha loogu siideyn jiray Dawladda waa loo diiday,  ma taasuu Dhulkii ugu darsaday Ingiriiskii.”

Waxxaanu sidoo kale, Abwaan Muuse Cali Faruur intaas ku daray oo uu ka hadlay ahmiyadda kala dambeynta Dawladda iyo Shacabkeedu u leeyahay horumarka Bulshada guud ahaan iyo sida aan dalna horumar u gaadhin illaa ay dadkiisa iyo dawladdiisuba si dhab ah ugu dhaqmaan Sharciga iyo Shuruucda u degsan.

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment