Tuesday, December 1, 2015
Xildhibaanka 21-kii Mudane kaga hadhay UCID oo Ka hadlay Khilaafka Hadheeyey Xisbigaas, Masuuliyiintana Baaq u diray
“UCID gudo iyo dibed waxay mashquul ku tahay meesha lagaga yimi…Arrinkanina waa arrin Shook (Naxdin) Siyaasadeed ku ah Taageerayaasha UCID oo ah in si mug leh loo baadho…”
“Xildhibaannada Golayaasha 21-ka degmo-doorasho ayuu Codkoodii uu ku soo baxay Xisbigu, hantidooduu uu ku soo baxay oo dedaalka ay geliyeen uu ku soo baxay. Markaa, maanta Xisbiga Cidina gaar uma sheegan karto..” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille
Hargeysa, 01 December, 2015-(Himilo)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ah Mudanaha keliya ee Golaha Wakiillada Somaliland wakhtigan ugu jira Xisbiga UCID ee ka soo hadhay 21 Mudane oo UCID ku lahaa Golahaas oo Xisbiyada kale ku kala biiray, ayaa ka hadlay Khilaafka Hoggaanka iyo Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka soo dhex-galay oo sababay inuu is-casilo Musharraxii Jagada Ku-xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan.
Xildhibaa Maxamed Faarax Qabille oo ah Mudanayaasha laga soo doortay gobolka Saaxil, ayaa sheegay in Bahwaynta UCID Khilaafka Xisbigooda soo dhex-galay ku noqday Naxdin-siyaasadeed, isla markaana ay ku mashquulsan yihiin meesha khilaafkani kaga yimi gudaha iyo dibedda meesha ay tahay. Md. Qabille waxa uu sheegay in xallinta khilaafkaas lagu jiro, lana dhammayn doono, isagoo Guddoomiyaha iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbiga ugu baaqay in la joojiyo hadallada Saxaafadda la isu marinayo inta lagu guda-jiro xal u helidda khilaafka UCID.
Waxa uu XIldhibaan Maxamed Faarax Qabille ka sheekeeyey sida ay Xildhibaannadii UCID ugu jiray Golaha Wakiillada ee Xisbigaas laga soo doortay 2005-tii, ay labaatankii kale hawada uga baxeen isaga mooyaane, waxaanu yidhi; “Horta, Sharaftaydaan u tudhanayoo Xeer 14 (Xeerka doorashooyinka), wuxu dhigayaa lixda bilood ee u dambeeya ayuun buu Xildhibaanku wareegi karaa, taasi waxay isiinaysay maaddaama oo aan ahaa nin Golaha koowaad ee Sharci-dejinta loo soo doortay Sharci-dejin iyo Xeer-ilaalin labadaba, taariikhdayda ayay madhxin u ahayd, sharaf baanay ii ahayd inaan ku hadho Xisbigayga.”
“Xillilgaas duruufo adag baa soo maray Xisbiga, Saaxiibbaday Xildhibaannada ahaa iyo Xisbigaygu waxay u kala jabeen laba. Raggaannu 2005-tii UCID u soo galnay Golaha Wakiillada ee aannu 21-ka ku ahayn Khadar-Ambassador oo isagu ruqsaystay meelna aan ku caddayn mooyaane, 19-kii kale way ka wareegtay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo shalay u warramay Royal TV.
Mudane Qabille oo ka hadlaya khilaafka 2011-kii soo dhex-galay UCID iyo khilaafka wakhtigani waxay ku kala duwan yihiin, waxaanu yidhi; “Khilaafka xilligaas dhacay khilaafka xilligan maanta wuu ka dambeeyey. UCID gudo iyo dibed waxay mashquul ku tahay meesha lagaga yimi, oo u baahan in si mugle loo baadho. Saamayn ballaadhan bay yeelatay. Ciddii ugu tunka weynayd Xisbigaas, ee ama gudaha dalka joogtay ama dibedda joogtay arrin wayn oo Qaran buu isu beddelay arrinkaasi. Has-yeeshee, dhirindhirrin iyo taxaddir waxa ku wada Bahwaynta UCID iyo Taageerayaashiisa.”
Qabille waxa uu sheegay inaan UCID ahayn Xisbi qof leeyahay, waxaanu yidhi; “Xisbiga Qof malaha anigoon Faysal-na ku xad-gudbayn, Musharraxiintana ku xad-gudbayn, Xisbiga Qof male, waa Xisbi Qaran oo Qaranku wada leeyahay. Waynu ogeyn oo dedaalka ugu badani Xisbiga doorashadii Golayaasha Deegaanka, in ka badan lix boqol oo Xildhibaan ayaa isu soo taagay doorashadii Golayaasha deegaanka ee 21-ka degmo-doorasho oo maanta Codkoodii uu ku soo baxay Xisbigu, hantidooduu uu ku soo baxay oo dedaalka ay geliyeen uu ku soo baxay. Markaa, waxaan isleeyahay maanta Xisbiga Cidina gaar uma sheegan karto.”
“Ma farogelin dibedeed baa, ma mid gudeed baa, ma mid dhexdiinna ah-baa? Waa waxaanan ka hordhacayn anigoo ah Mudane ka tirsan Bahwaynta UCID ee weliba ugu muddada dheer Xisbigan, waxaanan ka hor-degayn si arrinkaas khilaafku u dhammaystirmo. Waxaanan rejaynayaa in la helo kabasho deg-deg ah. Waxaan rejaynayaa in toddobaadyada foodda innagu soo haya arrintaas xalkeedu meel tegi doono.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.
Waxa uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille baaq u jeediyey Masuuliyiinta UCID, waxaanu yidhi; “Laakiin, ma noqon karayso oo kuma ekaanayso farriimo Warbaahinta la isu mariyo oo keliya. Waxaanan halkan Baaq uga jeedinayaa hadday Musharraxiinta noqoto, Bahwaynta UCID hadday noqoto iyo hadday noqoto Faysal oo ah Guddoomiyahayaga in la joojiyo hadallada Warbaahinta la marinayo. Arrinkanina waa arrin Shoog (Naxdin) Siyaasadeed ku ah Taageerayaasha UCID.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment