Wednesday, December 2, 2015
Masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta oo deedifeeyey eedaymo Musuqmaasuq oo loo jeediyey
Hargeysa, 02 December, 2015-(Himilo)- Masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa beeniyey in Wasaaradda uu ka jiro Musuqmaasuq la xidhiidha Miisaaniyadaha ay u diraan Shaqaalaha gobollada dalka u jooga.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Siciid Axmed Jibriil oo Shir-jaraa’id ku qabtey Xafiiskiisa Hargeysa Shalay, waxa uu meesha ka saaray eedaymo Musuqmaasuq oo Guddiga daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilladu u jeediyeen Wasaaradda Macdanta.
Agaasimaha oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi, “Markii Wasaaradda loo qaybiyey labada Wasaaradood ee kala ah (Wasaaradda khayraadka Biyaha iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta) waxay noqotay in Xafiisyadii gobollada Dalka iyo Shaqaalihii aanu ku wareejinno Wasaaradda Khayraadka Biyaha maadaama oo shaqada Gobollada ka socotay ay ahayd Biyo. Taasi waxay keentay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu halkan iska abaabusho sidii ay Xafiisyo uga furan lahayd Gobollada dalka, taasina waxay ku qaadatay sannadkii 2014-kii oo dhan, sidaa daraadeed waxa uu Hanti-dhowraha guud nagula taliyey in Maadaama oo Shaqaale kooban gobollada noo joogaan Xafiisyana aanay lahayn Xarunta Wasaaradda Mushaharka uga dirno.”
“Wax musuqmaasuq ah iyo Hanti ummaddu leedahay oo meel la mariyey ma jiraan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Hanti-dhowraha guud macluumaad ka hayaan qaababka ay ugu diraan kharashaadka meelaha u baahan, halka meelaha kalena ay u diraan waxii u qoondaysnaa.
Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Mr. Cabdirisaaq Xasan Jibriil oo Agaasimaha guud ku wehelinayey shirka jaraa’id, ayaa isaguna tilmaamay in Mushaharka shaqaalaha iyo Kharashaadka kale ee Shaqaalaha Gobollada ay si kala gaar ah u diraan, waxaanu yidhi; “Mushaharka gaar baa loo diraa, kharashaadka kale lacag gaadhaysa 10 Milyan iyo 80 kun oo shilin ayaanu saddexdii bilood ba mar dirnaa, waana laydhka, Internet-ka, Biyaha, Nadiifisada iyo Waashmaanada gobolada xafiisyada leh.”
Hadalkan Madaxda Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, ayaa ka dambeeyey kulan Guddiga Golaha Wakiillada Somaliland u qaabbilsan daba-galka hantida Qaranku kaga hadleen dhaqaalaha Wasaaradaha dalku u gudbiyaan gobolada dalka.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment