Washington, 26 April, 2014 (Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday in booqasho la qorsheeyey in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku tegi doona dalkaas ay Maraykan ahaan u leedahay muhiimad weyn oo gaar ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa 5ta bisha foodda innagu soo haysa ee May booqasho ku tegi doona waddanka Maraykanka, ka dib markii uu marti-qaad rasmi ah u fidiyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, isla markaana waxay ka wadahadli doonaan arrimo kala duwan oo muhiim ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo.
“Booqashada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku iman doono Maraykan, waxay muujinaysaa xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeya Maraykanka iyo Djibouti.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Aqalka Cad ee magaalada Washington ee looga arrimiyo Midawga Maraykanka.
Sida lagu sheegay qoraalka Aqalka Cad, Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa rejaynaya in kulanka dhex-mari doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu noqdo mid wax badani kasoo baxaan, isla markaana ay ku wada-gorfayn doonaan Md. Geelle xidhiidhka labada dal iyo arrimo ay ka mid yahiin adkaynta iyo ka wada-shaqaynta nabadgelyada, La-dagaallanka Argagixisada, horumarka, Ganacsiga, Tamarta, iyo wada shaqaynta guud ee Maraykanka iyo Jabuuti.
Labada Madaxweyne, ayaa la filayaa inay ka wadahadli doonaan arrimo badan ay ka mid yahiin ka hor-tagga xiisadaha coladeed ee degaanka, horumarinta degganaanshaha deegaanka, ka hor-tagga xaq-jirnimada iyo la-dagaallanka argagixiso-nimada, maaddaama oo dowladda Djibouti ka mid tahay waddamada Afrika ee ay Ciidammadu ka joogaan dalka Soomaaliya oo ay dawladda Federaalka ah ka taageeraan la-dagaallanka kooxda Al-Qaacida ka tirsan ee Al-Shabaab iyo sidoo kale in lasoo celiyo xasilloonida Soomaaliya, ka dib burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo 23 sano laga joogo.
Dawladda Maraykanka ayay iyadana Ciidammo ka joogaan waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanay Ciidammada Maraykanku Saldhig Millateri ku leeyihin Jabuuti, Saldhiggaas oo ka mid ah goobaha ay Ciidammada Maraykanku kala socdaan dhaqdhaqaaqyada Kooxaha xag-jirka ah ee Geeska Afrika, isla markaana ay ka kiciyaan qaar ka tirsan diyaaradaha duqaymaha ay kaga fuliyaan dalalka Soomaaliya iyo Yemen oo labadaba ay fadhiyo ku leeyihiiin kana dagaallamaan Kooxaha xidhiidhka la leh Al-Qaacida ee loo yaqaanno Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada Yemen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment