Wednesday, April 23, 2014

Sheekh Aadan-Siiro oo maanta dalka ku soo Laabanaya




Hargeysa, 23 April, 2014 (Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid culimada waaweyn ee Somaliland oo, ayaa la filayaa inuu maanta ka soo dego gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ka dib socdaal muddo saddex bilood ka badan oo uu dalka dibaddiisa ku maqnaa.


Aadan-SiiroSheekh Aadan X. Maxamuud (Xiiray) oo ka cabanayey xannuunka dhinaca wadnaha, ayaa horaantii bishii kowaad ee sannadkan xaalad caafimaad ugu baxay dalka Malaysia, halkaas oo loogu sameeyey qalliin fudud oo dhinaca wadnaha ah oo ay ku guulaysteen dhakhaatiirta Cusbitaal ku yaala magaalada Kuala Lumbur ee xarunta dalkaas oo uu muddo ku jiray.


Sheekh Aadan-Siiro ayaa la filayaa inuu maanta ka soo duulo magaalada Dubia ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu in muddo ah nashasho u joogay, ka hor intii aanu uga gudbin magaalada Barakaysan ee Maka oo uu sheekhu ku soo cimraystay, waxaanu dib ugu noqday magaalada Dubai oo uu maanta diyaarad ka soo raacayo.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland



No comments:

Post a Comment