Wasiirka Beeraha oo goob-joog ka ahaa bilowga hawshan
Hargeysa, 24 April, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Beeraha Somaliland kaashanaysa hay’adda Qaramada u qaabilsan cuntada ee FOA, ayaa shalay bilaabay mashuurac lagu karan-tiimaynayo saamaynta deegaanka ay ku yeelatay Sunta Ayaxa ee ku xeraysan Xeradii La-dagaalanka Ayaxa ee Galbeedka magaalad Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka socda Afar wasaaradood iyo hay’adaha FOA iyo Blacksmith, ayaa shalay booqasho ku maray goobo ka mid ah Dooxa magaalada Hargeysa oo Suntani saamaysay, waxaana isla shalayba baadhitaanno laga bilaabay dooxa si loo ogaado baaxadda saamaynta ay suntan ku yeelatay deegaanka maadama dooxa ay ku yaalaan beer khudaarta laga beero iyo xeelal qaybo ka mid ah magaalada biyaha looga dhaamiyo.
Wasiirka waxa ku wehelinayey kormerkiisa masuuliyiin ka socda wasaaradaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ee ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Biyaha iyo Deegaanka, laba sarkaal oo ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo Beeraha ee FOA iyo hay’ad lagu magacaabo Blacksmith oo fulinta mashruucan kala shaqaynaysa wasaaradda Beeraha.
Wasiirka Beeraha oo warbaabhinta kula hadlay goobta ay kormeerka ka sameynayeen, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka loo gudo-galayo mashruuca lagu karantiimaynayo saamaynta deegaanka ee ka dhalatay suntan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Suntan oo xeradii Ayaxa muddo ku kaydsanayd, waxa soo qaaday daadadka, waxaanay dhibaato weyn ku haysaa deegaanka ha noqoto xoolaha ama bani’aadamka. Waxaanu muddo raadinaynay cid wax nagala qabata ILAAHEY mahaddii hay’adda FAO ayaa nagala hawl-gashay si loo helo mashruuc wax lagaga qabto oo lagu baadho Ciida iyo biyaha dooxan (Dooxa Hargeysa) ilaa beeraha hoose ee ceelashu ay ka qodan yihiin, taasi oo markii horena ay wasaaadda Caafimaadka iyo hay’adda WHO cilmi baadhis ku sameeyeen oo la sheegay inay sumahaasi ku fideen, markaa hay’adda Blacksmith ayaa waxa ay hadda ka bilaabi doontaa baadhis biyahan iyo ciidan, iyada oo sidii xaqiiqada loo heli lahaa loona nadiifin lahaa xeradii oo suntan looga qaadi lahaa oo baraakaha ay suntu ku jirto looga rari lahaa, loona yarayn lahaa dhibaatooyinka ay gaadhsiisay deegaank,” ayuu yidhi Prof Faarax Geedoole.
Wasiirku waxa uu sheegay inay isla shalay gudo-galeen bilowga mashruuca lagu baadhayo halista suntan, waxaanu yidhi, “Halkan waxaanu isugu nimid afar wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Biyaha. Waxa kale oo nala jooga Andario Sibola oo ka socda hay’adda FAO iyo John oo ka socda hay’adda Blacksmith oo ah ninka masuulka ah in hawshan la qabto. Waxaanay hadda wadaan baadhistii ugu horaysay oo waa ay sawirayaan, waxa ay qaadi doonaan ciida iyo biyaha oo iyaguna baadhis lagu samayn doono Insha Allah.”
Andario Sibola oo ka socday hay’adda FAO oo isna hadal kooban ka jeediyey goobtaas, ayaa yidhi, “Mashruucan waxa maalgalinaya midawga Yurub, waxaananu wadnaa qiimaynta iyo nadaafada meesha sidii loo eegi lahaa loona baadhi lahaa saamaynta ay ku yeelanayso caafimaadka iyo beerista.”
Madaxa mashruuca maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka (SWALIM) ee hay’adda FOA Cali Ismaaciil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qorshaynta iyo helitaanka kharashka mashruucani uu in muddo soo socday, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaanu maanta (shalay) sahamin ku samaynay saamaynta ay deegaanka Dooxa Hargeysa ku yeelatay suntani, taasi oo ay hay’adda FAO ka fulin doonto sahamo iyo sidii sunta ka soo baxday Warshaddii la-dagaalanka Ayaxa loo baabiin lahaa, hay’ad la yidhaahdo Blacksmith ayaa hawsha wadda, runtiina waa arrin lala soo daahay oo marar ayaa la sameeyey sahamin oo ay wasaaradda Caafimaadku samaysay, wasiirkuna waxa uu hay’adda FAO ka dhaadhiciyey sidii suntaa loo tirtiri lahaa,” ayuu yidhi sarkaalkani.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment