Munaasibad gunaanadka tartan-faneedkan xalay loogu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey todobada dhalinyarada ah ee tartanka ku guulaystay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirro oo xukuumadda ka tirsan oo Wasiir Cukuse ka mid yahay, Madaxda Axsaabta Mucaaradka oo Eng Faysal Cali Waraabe ka mid yahay, Madax-dhaqameed, Bahda Fanka iyo Marti-sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday inay wasaaraddiisu qaadanayso isla markaana shaqaaleysiinayso todobada dhalinyarada ah ee tartanka ku guulaystay oo wiilal iyo hablo isugu jira, waxaana hadalkii wasiirka kamid ahaa, “Caawa (xalay) laga bilaabo, waxaanu shaqaaleysiinnay todobaa dhalinyarada ee ku guulaystay tartanka heesaha, annaga oo ka shaqaaleysiinayna Waaxda Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.Tallaabada wasiir Cukuse ku shaqaaleysiiyey dhalinyaradan, ayaa noqonaysa markii u horreysay tan iyo markii waaxda Dhaqan la hoos-geeyey wasaaraddaas, uu meel fagaare ah ku ballan-qaado shaqaale uu ka hawl-galiyo wasaaradda, gaar ahaan waaxda Wacyi-gelinta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment