
Wasiir Cali oo ugu horrayn ka warramaya Wasaaraddiisa, ayaa yidhi, “Wasaaradda Arrimaha Guduhu waa wasaarad Ballaadhan dalka dhammaantiina way ka shaqaysaa, waxana ay is galaan dhammaan Wasaaradaha iyo maamulada kala duwan ee Dalka ka jira, shaqadeeduna waa mid aan kala go’ lahayn. Dalkeenu waa Nabad wax dhib ahina ma jiraan marka laga reebo waxyaabaha caadiga iskaga dhaca, Nabadgelyadeenu waxay u baahan tahay in dhidibada loo aaso, waxana ay ku jiri kartaa in sharciga la ilaaliyo.” Ayuu yidhi wasiir cali.
Wasiirku waxa uu carrabka ku dhuftay dhibaatada ugu weyn ee Horumarka dallka iyo nabaddaba caqabada u ah oo uu ku sheegay qabyaaladda, waxan auu yidhi,
“Waxyaabaha nabadeena markasta waxyeelayn kara wax aka mid ah dhaqan xun oo bulshadeenu caadaysatay oo ah Qabyaaladda, qabyaaladduna waxay halis ku tahay Nabadda,”
Cali Maxamed Waran-cadde waxa wax ka sheegay dhibaatooyinka ciidamada ammaanka ka haysta inay fuliyaan arrimaha Maxkamaduhu xukumeen, waxana uu yidhi,
“Waxaynu samaysanay Maxkamado oo waxaynu noqonay dawlad, wasaaradda iyo laamaheedu waxay u xil saaran yihiin in wax allah iyo wixii sharci ah ee Maxkamaduhu soo saaraan inay fuliyaan, halkaana wax aka jira Dhibaato fara badan oo fulintaasi hakad bay gashay” wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,
“Sharcigu wuxuu leeyahay haddii uu qofku qori kala horyimaaddo ciidamada amniga haddii uu ku dhinto ama ku dhaawwacmo wax uu magdhaw leeyahay am acid masuul ka noqonaysaa ma jiraan.”
Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu ka Hadlay Soo jeedimo loo riyaaqay oo lagu khaarajinayo qofkasta oo si fudud u dila qof kale oo reer Somaliland ah,
“Waxa jira dad badan oo ku raagay jeelasha oo wax dilay, bulshaduna waxay noo jeedisay in qofka wax dila ee lagu heshiinwaayo in mag la qaato ee ninkii dhibaatada loo geystay soo jeediyo in loo dilo, in la dilo baa naloosoo jeediyey dawlad ahaana waanu la qaadanay inay Daw tahay, si kuwa dibadda joogaa aanay ugu dhiirran inay si dhib yar wax iskaga dilaan. Arritaana Haddii aanu nahay wasaaradda Arrimaha gudaha waanu fulinaynaaa si nabaddu inoogu adkaato.” Ayuu yidhi Cali Maxamed waran-cadde.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment