Mas'uuliyiinta Maamul-goboleedka awoodda is-bida ee Puntland, ayaa u muuqday kuwo cadaadis gaar ah ku saarayay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu caddeeyo mawqifkiisa dhabta ah ee ku aaddan nooca Maamulka lagu wado in uu ka soo baxo Shirka degmada Cadaado iyo deegaannada Maamulkaasi hoos iman doona.

Hasse ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinayay munaasabad casho-sharaf aheyd oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Garoowe, ayaa si aan leex-leexasho laheyn u sheegay in gobolka Mudug yahay mid la wada sheegto, isla markaana Dastuurka Puntland xattaa aanay ku caddeyn deegaannada gobolkaas ee hoostaga Maamulka Puntland.
Dadka sida weyn u rog-roga arrimaha siyaasadda ayaa qaba in Madaxweyne Xasan ka af-gobaadsaday ku deg-degista in Maamulka ka dhismaya gobollada Dhexe uu noqdo mid ka kooban Galguduud iyo Koonfurta gobolka Mudug, maaddaama arrintaasi aheyd mid xasaasi ah oo si weyn loogu dheg-taagayay.
Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan haddii ay Puntland ku soo biirayaan dadka dega Koonfurta gobolka Mudug, hasse ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa erayo u muuqday kaftan ku sheegay in taa beddelkeeda loo baahan yahay in Puntland soo dhaweyso haddii dadka dega Waqooyiga gobolka Mudug ku biirayaan dhinaca Koonfureed, waana erayo marka aad eegto la odhan karo wali 'Faannoole fari kama qodna'.
Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta Maamul-gobolleedka Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Idha-guran) oo la hadllayay BBC-da, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu yahay shaqsiga ay ka socon waayeen heshiisyo dhawr ah oo ay wada-galleen Raysal-wasaarihii Soomaaliya soo maray, gaar ahaan heshiiskii ugu danbeeyay ee dhaxmaray Puntland iyo Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ee ahaa in maamulka ka dhismaya gobollada dhexe noqon doono mid ka kooban gobolka Galguduud iyo Koonfurta Mudug.
Hase ahaatee, marka dhab ahaan loo eego qodob ku jira War-murtiyeedka shalay kasoo baxay shirkii Garoowe, ayaa la odhan karaa waa mid mugdi badan gellin kara nooca Maamulka ka soo bixi doona Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, maaddaama oo la leeyahay waxaa leysku afgartay 'In dhismaha maamulka KMG ah ee gobollada Dhexe ee dalka oo ay dawladda federaalku hoggaaminayso lagu saleeyo heshiiskii 14-kii Oktoobar 2014, Qodobkiisa 13-aad ee ay isla gaadheeen dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.
Qodobka heshiiska lagu xusay qodobka aynu kasoo qaadanay War-murtiyeedka, ayaa sidoo kale dhigaya in maamulka gobollada Dhexe uu ka koobnaan doonno gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug oo haddii sidiisa loo qaato xadgudub ku noqonaya Dastuurka oo qaba in dawlad-gobolleed ay dhisan karaan labo gobol iyo wixii ka badan.
Marka laga yimaaddo War-Murtiyeedka sida wada-jirka ah looga soo saaray shirkii Garoowe, waxaa jiray kulammo hoosaadyo u socday Guddiyo ka kala tirsanaa dawladda Dhexe iyo Maamul-gobolleedka Puntland, kuwaasoo aan wax natiijo ahi kasoo bixin ka dib markii leysku afgaran waayay, sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Marka la isku soo xooriyo khudbadihii kala duwanaa ee laga jeediyay Xafladdii Madaxtooyada Puntland iyo War-Murtiyeedka shalay ka soo baxay shirkii Garoowe, waxaa kuu muuqanaya in weli heshiis la fahmi karo oo dhammeystiran laga gaadhin deegaannada uu ka koobnaan doono Maamulka la fillayo in dhawaan loo dhiso gobollada Dhexe oo u muuqda odhaahdii ahayd (Sidaad Doonto u Qaado).
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment