Waa kee Xisbiga Kulanka ugu horreeya inuu la yeesho Guddiga ka soo talo-bixinta Muddo-kordhinta ee Guurtida la yeelanaya maanta?
Hargeysa, 05 May, 2015-(Himilo)- Guddiga Golaha Guurtida Somaliland u xuleen ka soo talo-bixinta waxa laga yeelayo wakhtiga muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee toddobaadkii hore Madaxweynuhu u gudbiyey, ka dib markii ay Guddiga doorashooyinku caddeeyeen inaan doorashada la qaban karin ka hor 1-da June 2016-ka, ayaa u yeedhay Saddexda Xisbi ee UCID, KULMIYE, WADDANI iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka, kuwaasoo ay wax ka weydiin doonaan mawaaqiiftooda la xidhiidha wakhtiga kordhinta muddada.
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inaanay 26-ka bisha June ee sannadkan 2016-ka oo ay ahayd in la qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada qaban karin farsamo ahaan, isla markaana ay qaban karaan 1-da bisha June sannadka soo socda ee 2016-ka, taasoo wakhtiga dib u dhaca doorashooyinka ka dhigaysa muddo sannad ah.
Hase-yeeshee, waxaa Beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka iyo Xisbiyada Mucaaradku ay walaac ka muujiyeen inay Guurtidu waddo qorshe ka badan sannadkaa farsamo ee dib-u-dhucu ku yimi doorashooyinka inay u kordhiso muddada xil-haynta Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ee waqtigoodu ku dhammaanayo 26 June 2015-.
Waxaanay Xisbiyada iyo Qaadhaanbixiyeyaashu ugu baaqeen Golaha Guurtida inaanu ku kucin wax ka badan sannadka Guddiga doorashooyinku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka, isla markaana muddo-kordhinta ay samayn doonaan bishan ku saleeyaan oo ay waafajiyaan muddadaas halka sano ah. Sidaa daraaddeed, ayaa Shir-guddoonka Golaha Guurtidu Guddi ka kooban 29 Xubnood oo ay saddexda Shir-guddoonku xubno ka yihiin ka dhex-magacaabeen Golaha Axaddii toddobaadkan, kuwaasoo Sabtida soo socota Warbixintooda la xidhiidha ka soo talo-bixinta muddada la kordhin doono ku soo celin doona inta kale ee Golaha waynaha Guurtida.
Guddigan Golaha Guurtidu u xulay ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee 29-ka xubnood ka kooban, ayaa is-dhaarsaday Isniintii shalay sida Wargeyska Himilo ay u xaqiijiyeen warar xog-ogaal ah oo u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa Guddiga, kuwaasoo Salaasada Maanta kulankooda u horreeya la yeelan doona Masuuliyiinta Xisbiga UCID, halka ay labada Xisbi iyo Guddiga doorashooyinkana la kulmi doonaan maalmaha ku soo xiga, sida ila-wareedyadu u xaqiijiyeen HIMILO.
“Horta, 27 qof Guddi maaha, toddoba qof iyo sagaal qof iyo baa laga dhigaa Guddi waa qayb dhan oo Guurtidii ka mid ah, Berri (Maanta) Xisbigayaga ayaa ugu horreeya oo Guurtida u tegaya waan kala hadlaynaa, Guurtidu waxa weeye inay dadka ixtiraamaan oo ay ka xishoodaan, Hay’adaha dawliga ah in la ixtiraamaa weeye, Golaha Wakiilladu waa inay Sharciyadii doorashada dhammaystiraan, Xukuumaddu waxa weeye inay soo unugto Sharciyada, Baarlamaanku waa inay ka eegaan oo ay dhammaystiraan, laakiin in shan sano uu dib u dhaco Xeerka doorashooyinku waa guul-darro.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey Su’aal Wargeyska Himilo ka weydiiyay sida uu u arko Guddiga Guurtidu u saartay ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta ay samayn doonaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment