Wednesday, May 6, 2015

Hay’ad Xuquuqda Aadamaha u doodda oo Kashiftay amar ay Israa’iil Askarteeda ku siisay Xasuuqa Shacabka Falastiin

Qasa, 06 May, 2015-(Himilo)- Hay'ad u dooda Xuquuqda Aadamaha oo la yidhaahdo Breaking the Silence, ayaa sheegaysa in ay maclumaad ka uruurisay ku dhawaad lixdan Askeri ay ku ogaatay in Ciidammada Israa'iil aanay u hoggaansamin Xeerka dagaalka intii uu socday dagaalkii Israa'iil ay ku qaaday magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta sannadkii hore.
CIIDANKA YUHUUDDA ISRAA'IILHay'adda ayaa muddo 8 bilood ah waxay caddeymo ka uruurinaysay Askartii ka qeyb-qaatay dagaalka ay Israa'iil ku qaadday Falastiiniyiinta, waxaanay ku eedenaysaa Millateriga Israa'iil in uu xoojinayey hannaanka ah in la toogto qof kasta iyadoo aan la tixgelin cidda uu yahay.
Waxay sheegaysaa Hay'addan lagu magacaabo Breakin The Silence, in arrintani ay sababtay dhimashada boqollaal Falastiniyiin Shacab ah dagaalkii 50-ka maalmood socday ee ay Israa'iil ku qaadday Qaza sannadkii 2014-kii.
Mid ka mid ah Askarta Israa’iil ee ka qeyb-qaatay dagaalka, ayaa Hay'adda u sheegay in lagu amray in ay toogtaan cid kasta oo ay ugu tagaan Qaza, waxaanu Askarigaasi yidhi; “Waxa naloo sheegay in halkaasi ay tahay halis, haddii aannaan arkin qof lulaya mara cad ama gacmaha kor u taagayana waa in aan tooganno.”
Sidoo kale, Askari kale oo ka mid ahaa qeybta Farsamada Israa’iil, ayaa Hay'adda u sheegay in markii uu dagaalku bilawday-ba loo sheegay in ay toogtaan oo ay dilaan cid kasta, taasoo micnaheedu yahay buu yidhi; “In hoggaanka Ciidanka Israa'iil uu u arkayey in Qaza aanay ku noolayn dad Shacab ah.”
Dhinaca kale, Colonel Peter Lerner oo ah Afhayeenka Ciidammada Israa'iil, ayaa sheegaya in kooxdani Breaking the Silence ay diidday in ay la wadaagto Israa'iil maclumaadka ay uruurisay. Balse, waxa jira eedaymo badan oo tan hadda ka hor Yuhuudda Israa’iil loogu jeediyey inay Xasuuq aan loo miidaan deyin kula kacday Shacabka Falastiin ee aan hubaysnayn, gaar ahaan dumar iyo Carruur aan waxba galabsan oo qaarkood Iskuullo iyo goobo Qaramada Midoobay leedahay ku weerareen Ciidammada Yuhuuddu.
Dagaalkaas Ciidammada Yuhuudda Israa'iil ku qaadeen Shacabka Falastiiniyiinta ee Qasa, waxa ku dhintay ugu yaraan 2, 189 (laba kun boqol iyo siddeetan iyo sagaal qof) oo ku dhawaad 1500 oo ka tirsani ahaayeen dad Shacab ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Waxaana cad inaanay xattaa caawimo ku filan helin dadkii ku barakacay dagaalladaas dadka badan ee Falastiiniyiinta ah Yuhuuddu ku xasuuqday.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment