Sunday, May 3, 2015

Lix Askari oo loo xidhay dilka Nin Madaw ah, Maayerka Baltimore oo xanuunsatay iyo Kacdoon Magaaladaas hadheeyey

Baltimore, 03 May 2015-(Himilo):- Dacwad-oogaha sare ee magaalada Baltimore,, ayaa gudbisay eedaymo dembi oo ka dhan ah Lix Askari oo loo haysto kiiska dilka Nin madow ah oo lagu magacaabi jiray Freddie Gray, kaasoo ku dhintay gacanta Booliska, ka dib markii ay muddo ku hayeen Xabsi ku yaal magaaladaas oo ay ku xidheen.
lixda askari ee Booliska ah ee dilay ninka madawga ahDacwad-ooge Marilyn Mosby, ayaa sheegtay in dhimashada 25 jirka madowga ah ay tahay dil ninkaas loo gaystay, isla markaana markii horeba in la xidhaana ay ahayd Sharci-darro. Dadka magaalada, ayaa hadalkaasi farxad iyo damaashaad ku soo dhaweeyay, waxaana ka hadashay Maayerka magaalada Baltimore oo sheegtay in caddaalada aanay cidina ka sarreyn. Qareenka u doodaya eedaysanayaasha Booliiska, ayaa sheegay in aanay wax khalad ah samaynin nimankaasi.
Duqa Magaalada Baltimore Stephanie Rawlings-Blake, ayaa sheegtay in ay ku xanuunsatay, qaadan waana ay ku noqotay, ka dib markii lixdan Nin ee Booliiska ahaa lagu eedeeyay dilka Ninkii gacantooda ku jiray ee madawga ahaa Freddie Gray.
Maayerka Baltimor oo ka hadashay Shir Jaraa’id oo ay qabatay, ayaa waxa ay u jeedisay digniin adag qof kasta oo ka mid ah Booliska magaalada Baltimore oo ku kaca arxan-darro iyo inuu Sharciga daba-maro ama ka hor-yimaadda ama wax sharci-darro ah ku kaca in tallaabo adag laga qaadi doono, waxaanay sii raacisay cid sharciga ka sarrayn kartaa inaanay jirin.
Lixda Nin ee Booliska magaalada Baltimor ka tirsan, ayaa waajahaya eedaymo ay ka mid yihiin dil derajada labaad ah, garaacid iyo xadhigga sharci-darra ah. Dhimashada Freddie Gray, waxa ka dhashay rabshado ka abuuurmay gudaha magaalada Baltimore, rabshadahaasi ayaa waxa ay keeneen in magaalada lagu soo rogo bandoo iyo in la dalbado Ciidammada gobolka ee ilaalada Qaranka.
Magaalada Baltimor waxa la aasaasay 1797-dii, waa magaalo qadiimi ah oo ka mid ah kuwa ugu dadka badan, waa Caasimadda Maamulka Maryland oo ka tirsan Midawga Maraykanka, waa magaalada labaad ee Deked-badeedda ugu weyn leh Maraykanka, waa magaalo ay ku nool yihiin dadyaw kala duwan oo Madaw iyo Caddaan-ba leh.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment