Wednesday, May 6, 2015

Masuuliyiinta Mucaaradka oo faahfaahin ka bixiyey kulammo albaabbadu u xidhnaayeen oo ay la yeesheen Guddiga ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta

“Waxaannu kusoo gunaanadnay in maanta maaddaama wakhti la cayimay oo Komishankii wakhtiyeynta loo diray uu cayimay in wax laga doodaa aanay jirin oo ay tahay uun arrintaas in la xalaaleeyo…” Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 06 May, 2016-(Himilo)- Xisbiyada Mucaaridka Somaliland UCID iyo WADDANI, ayaa kulammo kala gooni gooni ah shalay la yeeshay Guddiga ka soo talo-bixinta wakhtiga muddo-kordhinta Guurtidu u xushay, kuwaasoo su’aalo ka weydiiyey mawqifyadooda la xidhiidha muddada loo kordhinayo Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada inay xilka sii hayaan, maaddaama oo ay dib u dhaceen doorashooyinka la filayey 26 June 2015, waxaanay u qaddimeen labada Xisbi Mucaarad halka ay arrintaas ka taagan yihiin.
xisbiyada MuacaaridkaGuddiga Guurtidu u xushay ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta Golaha hor-taalla, ayaa u yeedhay Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaanay shalay la kulmeen Masuuliyiin ka kala socday labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, halka ay Guddiga doorashooyinka iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE la kulmi doonaan Arbacada Maanta sida ay Guddigu qorsheeyeen.
Labadan kulan ee Xisbiyada Mucaaradka ah ay la yeesheen Guddiga Guurtidu oo kala gooni ahaa, isla markaana shalay gelinkii hore ka qabsoomay xarunta Golaha Guurtida ee dhismaha Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa ahaa kuwo albaabbadu u xidhan yihiin oo ay Warbaahintu dibedda ka joogtay, waxaana markii ay soo idlaadeen Saxaafaddu wax uga weydiisay Masuuliyiinta UCID iyo WADDANI.
Xisbiga UCID oo kulanka koowaad la yeeshay Guddiga Guurtida waxa markii uu kulankoodu soo dhammaaday Warbaahinta uga jawaabay waxyaabaha ay ka wadahadleen Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay inay uga warrameen xaaladda guud ee dalka iyo dibedda, isla markaana u sheegeen Guurtida inaanay arrinta muddada la kordhinayaa wakhtigan ahayn mid laga doodo oo shirar laga yeesho, maaddaama oo ay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay muddo sannad ah dib u dhacayso doorashadu, isla markaana ay cayimeen wakhtiga ay qaban karaan oo ah 1-da bisha June 2016-ka, muhiimadduna tahay in sannadkaas uun la xalaaleeyo.
“Waxaannu uga sheekaynay xaaladda guud ee Siyaasaddeenna dibedda, arrimaha gudaha, waxyaabaha inna hortaagan iyo baahida loo qabo in dadka la mideeyo, waxaanannu kusoo gunaanadnay in maanta maaddaama wakhti la cayimay oo Komishankii wakhtiyeynta loo diray uu cayimay in wax laga doodaa aanay jirin oo ay tahay uun arrintaas in la xalaaleeyo, lagu duceeyo, laguna dhaqaaqo. Intaas ka hadhay doorashadana wixii qabyo ah la qabyo-tiro.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Looma baahna maanta in shir dambe iyo wada-tashi laga galo arrinta, berigii hore ee wada-tashiga la geli jirey wakhtigu ma cayinayn, cid kalsooni-darro ka muujisay saddexda Xisbina ma jirto. Waxaannu ka codsannay iyagoo sharaftooda ilaashanaya magac bay ku leeyihiin caalamka, oo Soomaaliya iyo Somaliland waxa is dhaafiyey waa Guurtida la yidhaahdo, inay Magacooda ilaashadaan.”
“Waxaannu Guurtida u sheegnay oo ka codsannay inay Shacabkana wixii tafaaraaruq keeni kara ka ilaaliyaan, wixii midaynayana ku dhaqaaqaan oo arrinta ku duceeyaan oo Xaaji Cabdi ku Duceeyo oo Sheekh Khaliif ku duceeyo, wixii ay tirsanayaan ee ay leeyihiin annagaa Xaq u lahayna aannu ka raalligelinno, Warqadna waannu u dhiibnay labada Xisbi Mucaarid qoreen oo intaas aan ka hadlayaa ku qornayd.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale, Xubno soddon ka kooban oo ka socday Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka dib kulanka UCID, iyaguna kulan la yeeshay Guddiga Guurtidu u xushay muddo-kordhinta ka soo talo-bixinteeda, ayaa ka warramay sidoo kale waxa ay ka wadahadleen Guddiga.
Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa u hadlay WADDANI oo Warbaahinta uga warramay waxa ay Guddiga kaga wadahadleen kulanka ay shalay la yeesheen, waxaanu yidhi; “Annagu dardaarankayagii baannu bixinnay iyo waxa ay nala tahay iyo in aannu khilaaf taagnayn ee Maalintaas la cayimay ee Komishanku cayimay oo ay xaq u leeyihiin in la sharciyeeyo oo aan daqiiqad, Saacad iyo maalintoona lagu darin, annagoo qirayna Golaha Guurtidu kaalinta qiimaha leh ee nabadgelyo leh ee dib-u-heshiisiin leh ee ay kaga jiraan horena ugaga jireen inaanay Maantana gacantooda Somaliland ku burburin.”
Ma jiro wax war ah oo ay Guddiga Golaha Guurtidu u xilsaaray kasoo talo-bixinta muddada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada loo kordhin doono, ay ka bixiyeen kulammada ay la yeesheen Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, waxaana la filayaa inay maanta la kulmi doonaan Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, isla markaana ay maalinta Sabtida ah Warbixin iyo soojeedintooda talo-bixineed ee loo xilsaaray u gudbin doonaan oo ay horkeeni doonaan Gole-weynaha Guurtida.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment