Saturday, May 9, 2015

SONSAF oo Guurtidda ugu Baaqay inay korodhsiimada ku saleeyaan wakhtiga Komishanku u Qoondeeyey doorashooyinka

Hargeysa, 08 May, 2015-(Himilo)- Dallada ay ku bahoobeen Ururadda Somaliland ee aan dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa War-Saxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay dibu-dhaca ku yimi qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, iyaga oo Golaha Guurtidda ugu baaqay inay ku saleeyaan muddo-kordhinta ay u samaynayaan Golayaasha wakhtigoodu dhammaanayo 26 June 2015, Heshiiskii saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinku wada galeen iyo jadwalka doorashooyinka ee Komishanku soo bandhigay.
sonsafWar-Saxaafadeedka SONSAF ka soo baxay oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha guud ee SONSAF Maxamed Axmed Maxamuud, ayaa isagoo dhammaystiran waxa uu qornaa sidan:- “Shir ay isugu yimaadeen ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland xarunta daladda jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF 6 dii bisha May 2015 waxay qiimayn ku sameeyeen xaaladda dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland. Ururadu waxay si qoto dheer uga doodeen duruufaha ku gedaaman arrimaha doorashooyinka iyaga oo maanka ku haya in doorashadu tahay laf-dhabarta hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka taas oo marwalba bulshada rayidka ahi door laxaad leh ka qaadato kobiciisa iyo geedi socodkiisa.
Ururada aan dawliga ahayn waxay 4tii bisha May 2015 codsi u qoreen Golaha Guurtida JSL iyagoo ka codsaday in laga qayb-geliyo wada-tashiyada lagaga arrinsanayo doorashada. Laakiin nasiib-darro Golaha Guutidu may tix-gelin codsigaa, bulshada rayidka ahna lagama qayb-gelin wada-tashiyadii laga arrinsanayay doorashada. Dhinaca kale, Ururada aan dawliga ahayni waa daneeyayaal muhiim ah oo ay tahay in laga talo geliyo arrimaha dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Ururada aan dawliga ahayni waxay walaac ka muujiyeen sifo kasta oo dib u dhac ku keeni karta hanaanka doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, sida ay qorsheeyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku isla markaana ay ku raaceen Xisbiyada Siyaasaddu waxa cad in aan doorashadu ku qabsoomi karin waqtigii markii hore loogu talo galay. Iyaga oo Ururada aan dawliga ahayni ka xun dib u dhaca kast oo doorashada, ku yimaad, waxay isla qaateen in mudo kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiiladu ay ku salaysnaato baaqii Gudida Doorashooyinka Qaranka kaas oo ay ku cadeeyeen in ay ku qaban karaan doorashada bisha 6aad ee sanadka 2016.
Haddaba, ururada aan dawliga ahayni waxay ka codsanayaan dhamaan daneeyayaasha dimuqraadiyadda Somaliland inay arrimaha doorashooyinka u dersaan si hufan oo aan xanaf lahayn oo ujeedadeedu tahay dhawrista sharciga, danta guud iyo horumarka Somaliland. Sidoo kale, waxaanu ku talinayaan in mar haddii go’aanka Gudida Doorashooyinku uu ahaa mid farsamo ay tahay in Guurtidu ku salayso go’aan kasta oo muddo kordhineed oo ay samaynayso.
Ugu dambayn, ururada bulshada rayidka ahi waxa ay ku adag yihiin in mudo kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiilada lagu saleeyo mudada sanadka ah ee ay soo jeediyeen Guddida Doorashooyinku, isla markaana ay Xisbiyada Siyaasadu ku raaceen. Allaa Mahad Leh.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment