Hargeysa, 05 May, 2015-(Himilo)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay la socdaan khaladaadka ku jira Manaahijta Waxbarashada lagu dhigo Iskuullada hoos yimaadda Hay’adda qarnul Ifriiqiya, isla markaana tallaabadii laga qaadi lahaa maanta u ballansan yihiin.
Iskuullada hoosyimaadda Hay’adda Qarnul Ifriiqiya, ayaa la sheegay inay u dhigaan Ardayda Manhaj khaldan oo taabacsan fikirka khaldan ee Siyaasiyiinta Soomaaliya ku tilmaamaan in Somaliland tahay gobol ka tirsan, sida shalay lagu daabacay Wargeysyada dalka midkood, khaladaad ku jira Buugga Juqraafiga ee fasallada afaraad loo dhigo Iskuullada hoos yimaadda.

Agaasimaha Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdillahi Yaasiin Diiriye, oo Wargeyska Himilo weydiiyey inay la socdaan khaladaadka la sheegay inay ku jiraan Manaahijta Dugsiyada hoos yimaadda Hay’adda Qarnul Ifriiqiya ka dhigaan dalka, ayaa sheegay inay hayaan warkaa, isla markaana maanta kulan kala yeelan doonaan masuuliyiinta hay’adda qarnul ifriiqiya, waxaanu yidhi; “Waan la soconaa khaladaadka la sheegay inay ku jiraan manaahijta lagu dhigo iskuulada hoos yimaada qarnul Ifriiqiya.”
Agaasimaha Manaahiijta oo la weydiiyey wasaarad ahaan talaabada uga qorshaysan inay ka qaadaan iskuulada hoos yimaada hay’adda qarnul Ifriiqiya, ayaa sheegay inay kulan lagaga xaajoonayo arrinkaa maanta ula balansan yihiin, waxaanu yidhi; “Maanta ayaan u ballansan-nahay inaan wax ka weydiinno Masuuliyiinta Hay’adda Qarnul Ifriiqiya, Sheekh Maxamed Cali Geeddi, go’aana laga gaadhi doonaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment