Dubai, 17 May, 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hoggaaminaya Wefti magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta u jooga wadahadal la xidhiidha Maalgashi lagu sameeyo iyo wareejinta Maamulka Dekedda Berbera, ayaa sheegay inaanay weli arag wax u qalma oo ka turjumaya danta dalka iyo dadka Somaliland oo lagu wareejiyo Dekedda.
Wasiirka Madaxtooyada iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa kulammo dhex-mareen Masuuliyiinta Shirkadaha P&O iyo DP World oo laga leeyahay Dubai, kuwaasoo shaqadoodu tahay Maamulka iyo Maalgelinta Dekedaha caalamka, waxaanu sheegay Wasiir Xirsi oo Saxaafadda kula hadlay Dubai in dhinacyada ay kulammada la yeesheen soo gudbiyeen qaabka ay wax ku doonayaan, iyaguna u gudbiyeen qaabka ay u doonayaan inay noqoto Mustaqbalka Dekedda Berbera.
Inkasta oo uu bilawgii wadahadalladaas rejo wanaagsan ka muujiyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, haddana waxa uu sheegay in aanay weli ka arag Shirkadaha ay Masuuliyiintooda kulammada yeesheen waxa ay doonayaan Somaliland ahaan iyo qaabka ay wax u doonayaan toona, waxaanu sheegay inay wadayaan illaa inta ay ka gaadhayaan wax ka turjumaya danta Somaliland, isla markaana aanay jirin shirkad gaar ah iyo dal gaar ah oo ay arrintan Dekedda ka wadahadlayaan, balse ay wadi doonaan illaa inta ay rabitaankooda ku guulaysanayana sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaannu doonaynaa in la horumariyo ayay u baahan tahay Dekedda Berbera oo hadday meel taagnaato waa la dhaafayaa. Markaa, waxay u baahan tahay in la suurageliyo Deked ballaadhan oo adeeg qiimo leh qabata, waxaanay u baahan tahay Lacag badan oo Lacag baa Lacag dhasha. Marka la doonayo in wax weyn laga soo saaro waa in wax weyn la geliyaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray; “Baahideenna iyo doorashadeennu kuma xaddidna Shirkad keliya iyo waddan keliya, ee wixii aannu u aragno danteenna ayaannu ka turjumaynaa. Wixii aannu doonaynay iyo waxaannu doonaynay inuu dalkayaga u qabsoomo wixii ka turjumayey maannaan arag, illaa intaannu ka gaadhaynana waannu wadaynaa, waannu baayactamaynaa, waa Suuq xor ah oo nin weliba wixiisa ayuu wataa.”
Hadalkan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ka soo yeedhay, ayaa u muuqda mid muujinaya rejo la’aan ay ka qabi karaan isaga iyo Weftigiisu heshiis la filayey inay ku saxeexi doonaan magaalada Dubai socdaalkoodan, iyaga oo labada dhinac natiijooyinka uga soo baxay kulammada ay yeesheen qolo waliba Masuuliyiintooda sarsare kula noqon doonaan Macluumaadka ay is-dhaafsadeen.
Waxaa suuragal ah in Shirkado kale oo caalami ah oo aan kuwaa Carabta ee ay kulmeen ka duwan oo danaynayey Dekedda Berbera lala bilaabi doono wadahadallo kuwan la mid ah oo si toosa u dhex-mari doona Somaliland iyo Shirkadahaas oo ay ka mid tahay Shirkadda Plore oo laga leeyahay waddanka Faransiiska.
Himilomedia
Hargeysa- Somaliland
No comments:
Post a Comment