Sunday, May 3, 2015

Wershad kor u qaadaysa Suuqyada Kalluumaysiga oo Berbera laga dhisay

Berbera, 03 May, 2015-(Himilo)- Shirkadda Kalluumaysiga Pontus Marine, ayaa la sheegay inay ka hirgelisay magaalada Berbera Wershad samaysa Barafka, oo baahiweyn ay u qabeen Kalluumaysatadu, isla markaana abuuri doonta Suuqyo cusub oo Kalluunku yeesho.
fishWershadan cusub oo maalintii soo saari doonta Baraf gaadhaya 10 kun Kiilo, ayaa hirgelintiisa la sheegay inay iska kaashadeen MacAlister Elliott & Partners (MEP), iyo Shirkadda Kalluumaysiga Puntus Marine oo hawlaha Kalluumaysiga ka bilaabaysa dalka, isla markaana inka badan kun maalgashade ku bahoobeen.
Wax-soo-saarka Barafka ee Wershaddan ayaa la sheegay inay ka faa’iidaysan doonaan Shacabka magaalada Berbera, marka laga yimaaddo Kalluumaysatada Doonyaha magaalooyinka Berbera iyo Maydh oo fursad u heli doona inay qaboojiyaan Kalluunka ay Badda ka soo qabtaan intaanu soo gaadhin Suuqyada lagu iibiyo
“Wershaddan Barafku kaalin muhiim ah ayey ka qaadan doontaa horumarinta kaabayaasha Kalluumaysiga, oo faa’iido weyn u yeelanaysa Somaliland, isla markaana sahlaysa helitaanka cuntooyin nafaqooyinku u dhammaystiran yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Kalluumaysiga Puntus Marine.
Shirkadda Puntus Marine oo sannadihii u dambeeyey Muwaaddiniin farabadan oo dalka gudahiisa iyo dibeddiisa kala joogaa ka qeybgelayeen maalgelinteeda, ayaa la saadaalinayaa inay bilowdo ujeeddooyinkii loo aasaasay ee kor-u-qaadida isticmaalka iyo ka-faa’iidaysiga kheyraadka Badda Somaliland, oo baahi weyn looga qabo Suuqyada dalka iyo kuwa dunida-ba.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment