
Wasiir Cukuse oo su’aal ku aadaneyd waxa uu ku difaacayo muddo-kordhintii ay Xukuumaddii Daahir Rayaale ku dhalliili jireen wakhtgii Kulmiye Mucaaridka, ahaa iyo muddo-kordhinta Madaxweyne Siillaanyo hadda loo sameeyey oo Weriyihii doodda VOA-du weydiiyey Wasiirka waxa uu kaga jawaabay; “Waxay ku kala duwan yihiin muddo-kordhintii Rayaale iyo ta Siilaanyo, walaal Xukuumaddan Madaxweyne. Siillaanyo hoggaaminayaa waxay diyaarisay wax kasta oo iyada ku xidhnaa oo dhan oo Xukuumaddu iyadu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Mucaaridka ah oo isagu doorashadda qeybtii Xeerka dib u dhigay oo qeybtii Xeerka diiwaangelinta dib u dhigay oo qeybtii magacaabidda Koomishanka dib u dhigay oo mid walba wakhtigeedii loo geeyey.
“Xukuumaddu ma odhan karto kumanay qasbi kareyn in uu isagu sidaasi yeelo, marka waxaan ku leeyahay maaha wax aanu anagu Caashaqnay oo Xukuumaddu Caashaqday ama Siillaanyo Caashaqay ee waa duruuf waaqici ah oo ina hortaal oo timid.” Sidaa ayuu yidhi Cukuse.
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlaayey rejada uu ka qabo in xal laga gaadhi doono gogosha mucaaridka ay Xukuumaddu u fidisay in muranka go’aankii Guurtida bishan 20-keeda Mucaaridka laga la hadlo waxa uu yidhi; “Waxa weeye horta Somaliland ayaa la wada yahay oo Baaqan uu imika madaxweyne ku xigeenku soo jeediyeyna waa dhaqan ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland Shacbigeeda iyo Siyaasiyiinteeduba Mucaarid iyo Muxaafid iyo Golayaasheeduba oo marka uu muran yimaado ama isqabad yimaadoba, waxa qasab ah in inta laysa soo hor fadhiisto la wada hadlo kolka anigu waxaan ku rajo weynahay marka laysku yimaado ee laysa soo hor fadhiisto ayaa lays weydiin doona waxa laga wada hadlaayo oo meel ayaa laysla dhigi doona waana dhaqan ay Somaliland leedahay oo aan aamin sanahay inay wanaag ku dhamaan doonto.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment