“Madaxweyne Caqliga Suubbani miyaanu kuu sheegaynin iyadoo guryihii iyo dhulkii hore ee la idiin dhiibay meel ay mareen la garan la’yahay, inaad tidhaahdo dhulkii ummadda ayaan Guddi Wasiirro ah u saarayaa..?” Musharrax Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa, 22 August 2015 (Himilo)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa talooyin iyo dhalliil is-barkan ujeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu si adag uga hadlay Guddi 12 Wasiir ka kooban oo Madaxweyne Siilaanyo habeen-hore u magacaabay dib-u-eegista Siyaasadda Dhulka, kuwaasoo uu Jamaal sheegay inaanay ahayn kuwo wakhtigan laga sugayey, isla markaana ay ku jiraan Wasiirro qayb ka ah dhibaatada dhulka iyo boobkiisa-ba.
Jamaal waxa uu sheegay inaan wakhtigan Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyin inuu Wasiirro qaarkood dhulka boobeen Digreeto ku magacaabo, balse laga sugayey inuu Digreeto ku soo saaro wakhtiga doorashadu qabsoomayso ee dhammaadka muddada loo kordhiyey ku beegan sida ay Maxkamadda Sare ee Somaliland go’aamisay toddobaadkii hore. Waxa uu Xukuumadda uga digay faro-gelinta arriaha dhulka, waxaanu u soo jeediyey in looga baahan yahay inay dawladdu sharci sax ah u samayso dhulka iyo maamulkiisa oo kolba aan Wasiirro dhibaatada ka taagan qayb ka ah loo magacaabin.
“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo Digreeto uu xalay (habeen-hore) soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku sheegay in uu saaray Guddi Wasiirro ah oo la doonayo in lagula wareego dhulka Somaliland. Laba qodob ayaan kaga jawaabi lahaa arrinkaas isaga ah. Marka ugu horreysa Madaxweyne waxaannu kaa sugaynay Digreetadii Maxkamaddu innagu xukuntay dhammaanteenba ee adigana labada sannadood ee dheeraadka ah ku siinaynaysay ee ah inaad soo saartid Digreetada inay doorashadu dhacayso 28-ka March 2017, siday Maxkamadda sare soo go’aamisay, go’aankaas ayaannu kaa sugaynay, laakiin kaamaannu sugeyn go’aan dhulka lagu boobayo mar kale.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen shalay magaalada Hargeysa kula hadlay Telefeshinka Star.
Waxa uu Jamaal u soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo inuu ixtiraamo Shacabka karaamada siiyey ee sharfay, waxaanu yidhi; “Ha u dhaqmin Madaxweyne sidii Madaxweyne ku jira teeramkiisii la doortay, shantii sano ee ummaddu ku dooratay way dhammaadeen, doorashadii waad ku fashilantay oo waad qaban kari wayday, wakhti baa laguugu daray, waxaa lagaa doonayaa milgaha iyo sharafta lagu siiyey ee xataa laguu kordhiyey adigoon u qalmin, in haddana aad soo saarto Digreetooyin dhulkii Somaliland dawladdiinnu kula wareegayso. Madaxweyne illaa shan boqol oo Guri in ka badan oo illaa dawladdii Ingiriisku guryahay innoo dhistay illaa dawladdii Siyaad Barre illaa dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray, Guryahaas oo dhan baad iibiseen, hantidaasi meel ay martay la garan maayo, dhulkii danta guud waad boobteen meel ay mareen la garan maayo.”
Jamaal oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray; “Madaxweyne Caqliga Suubbani miyaanu kuu sheegaynin iyadoo guryihii iyo dhulkii hore ee la idiin dhiibay meel ay mareen la garan la’yahay, inaad tidhaahdo dhulkii ummadda ayaan Guddi Wasiirro ah u saarayaa, iyagoo weliba Wasiiraddaas laftarkooda qaar ka mid ahi yihiin kuwii boobayey dhulka, waxaasi wax ummaddu idinka aqbali karto maaha, ummadda Somaliland-na kaagama fadhiyin, arrinkaa dhulkana waan idiinka digayaa, waa arrin xasaasi ah waad ogtihiin. Dawladdaadu sharci inay ka soo saarto ayay ahayd, sharciga in la mariyo ayay ahayd, Digreetadana sharci maaha. Madaxweyne waxa lagaa filanayaa in ummadda Somaliland ee sharafta iyo milgaha ku siisay inaad sharafta halkeeda ka raacdo.”
“Hantida faraha badan ee intaad xukunka haysay la boobay lama qiyaasi karo, in shan boqol oo guri ka badan baa la boobay, dhulkii danta guud, Hantidaa Wasiirradaada ayaad u hibaysay. Sidee Caqliga Suubbani kuu odhanayaa Nin Beer leh oo konton sano lahaa ayaan Beerta kala wareegayaa, adigoo Guryihii dawladda Wasiirradaada u hibeeyey? Caqli suubban maaha waxaasi, waxaanan idin leeyahay arrinkaasi waa arrin xasaasi ah faraha halla gelina, haddii kale dab baad faraha la galaysaan. Waxaana lagaa sugayaa in doorashada xilligeedii aad qabatid, intaana aad ummadda isku waddid inta doorashadu dhacayso oo si nabad ah sidii Daahir Rayaale oo kale aad ku wareejisid.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment