Sunday, August 23, 2015

Xaqiiqada Geerida Q.2aad

Iimaamkii la odhan jiray Xasan Albasri Illaahay ha u naxariistee ayaa yidhi: haddii lagu weydiiyo ma rumaysantahay maalinta xisaabta? Waxaan ku wada jawaabaynaa haa waan rumaysanahay! Xaqiiqo ahaanse waa been haddii aynu rumaysanahay maynu samayno camalka xisaabta inoo hagaajinaya, Inta aan laga jawaabin su’aashan waxay u baahan tahay jawaab dhab ah oo yaqiin ah oo aan laga shakisnayn maalintaas qiyaame ee xisaabta.

Bal su’aalahan is weydii adigoo cidla jooga.

  1. Ma rumaysantahay maalinta Qiyaame iyo Xisaabta?

  2. Ma yaqiinsan tahay inaad dhimanayso?

  3. Geerida ka dib ma aqoonsan tahay in qabriga lagugu imtixaamayo?

  4. Ma citiqaadsan tahay in qabrigu yahay Beer Janno ah ama hog Naar ah?

  5. Ma rumaysan tahay wixii camala ee aad qabato in qabriga uu kuu yaalo?

  6. Ma rumaysan tahay in qabriga markaad gaadho aanad heli doonin fursada aad maanta adduunka ku haysato oo camal falasho ah?

  7. Ma citiqaadsan tahay in qabriga aanad dib u sixi Karin waxaad adduunka soo khaladay?

  8. Ma citiqaadsan tahay ? ma rumaysan tahay? Ma yaqiinsan tahay ? maka fekertaa ? ma u diyaar tahay? Ma u camal fashaa? Su’aalahaas oo dhan iyo qaar kaloo badan waa inaan is weydiinaa una qaadanaa laylis ay tahay inaan ka shaqayno oo kaga shaqaysiino maskaxdeena.


Qaybtan kale ku xigsii ee ah iyaduna su’aalo ay tahay inaan is weydiino:

1.Maxaa kuu abaal ah haddaad Alle swt caasido?

  1. Maxaad dadka u dulmidaa haddaad aaminsan tahay inaad Alle hor tegayso?

  2. Maxaad ugu mamtay adduunka uun oo daacaadka aad uga shaqaysan wayday?

  3. Maalkaaga waad siyaadisaa ee diintaada iyo daacaadkaaga ma siyaadisaa?

  4. Suuqa shaqada waan wada naqaanaa ee adduun balse suuqa aakhiro maka shaqaynaa sida Camiraada masaajiida iwm?

  5. Jidhkeena iyo dharkeena waan qurxinaa balse camalkeena ma qurxinaa mise waan xumaynaa?

  6. Ugu danbayntii haddaan rumaysanahay xisaabta maxaan u muujin waynay u diyaar garawgeeda?


Geeridu waa Xaq way imani! Geeridu waa kediso! Geerida lagaa tallo gelin maayo! Geeridu waa macaan gooye! Geeridu waa xaqiiq aan la dafiri Karin! Geeridu albaabkaaga kugu garaaci mayso, geeridu idan ku waydiisan mayso. Geeridu waa dayn qof kasta lagu leeyahay, geeridu waa sakaraad xannuun badan, Maxaad naftaada ugu ilowday adduunkan daciifka ah ee aad geeri ugu diyaar ahaan wayday? Geeridu maraday kaa siibi geeridu maalkay kaa dhex saari geeridu carrurtaada ayay kaa dhex qaadan, geeridu waxay kuu iman waqti aanad diyaar u noqon.

Geerida kama carrari kartid, geerida oohin waxba kuuma tarayso. Geerida kuwa kuu ooyaa iyagaa iska daalaya.

Aan u diyaar ahaano geerida

Goblan tallo adduunyooy, hadday geeri raagtona gabaw baan ku daynayn.

W/Q Xuseen Guud-cadde

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment