Thursday, April 3, 2014

Dr. Macow oo laga horjoogsday inuu dalka ka baxo iyo Shuruudda Lagu xidhay




Hargeysa, 03 April, 2014  (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inaanu magaalada Hargeysa dhinacna uga bixi karin Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways oo ay Masuuliyiinta Hay’adaha caafimaadka ee dawliga ahi u diideen inuu bilaabo hawl-gal caafimaad oo uu dalka u yimi inuu ka fuliyo.


Wasiir Ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanu Dr. Macaw dalka ka bixi karin illaa inta ay ka dhammaanayso celinta Lacag uu sheegay in laga qaaday illaa kun qof oo uu ku tilmaamay inay yihiin reer Somaliland oo isu-diiwaangeliyey inay Dhakhtarka la kulmaan oo lacagtoodii hadda dib loogu celinayo, maaddaama oo ay Xukuumaddu cuno-qabataysay shaqadii uu Dhakhtarku dalka u yimi.


“Dr. Macaw wuu xayiran yahay, sababta uu u xayiran yahay-na waxa weeyaan dad magacyo kala duwan leh, laakiin intaannu annagu xaqiijinnay dad kun qof gaadhaya oo reer Somaliland ah, ayaa laga qaaday lacag, Qarankanna xil baa ka saaran inay dhaqaalaha, nabadgelyada iyo caafimaadka dadkaba xil baa ka saaran. Markaa, inta dadkaa lacagtooda loo celinaayo inaanu dalka ka bixin ayaannu annagu haddaannu nahay Wasaaradda arrimaha gudaha aannu nidhi (amarnay).” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Abbokor


Wasiir Ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor “Waannu ka wada-shaqaynay dadkii is-diiwaangeliyey ee lacagta bixiyey inay waxoodii helaan, markaa lacag bixinta (celinta) shalay (dorraad) baa la bilaabay, waxaannu jecelnahay dadka wixii aan lacagta qaadan goobtay ku bixiyeen inay lacagtoodii u doontaan oo ay ka qaataan.”


Waxa uu sheegay Wasiir Ku-xigeen Cabdillaahi Abbokor, in marka dadka uu kunka qof ku sheegay ee lacagta ay isugu diiwaangeliyeen Dr. Cali Macaw Aways loo wada celiyo ee lacagtaas celinteeda la dhammaystiro in saacadda uu doono Soamliland ka bixi karo, waxaanu yidhi; “Waxaannu sheegaynaa markay lacagta dadka laga qaaday dhammaato saacadda uu doono, wakhtiga uu doono iyo goorta uu doono dalka wuu ka bixi karaa, wuxu ku yimina waa Fiise caadi ah.”


Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Xildhibaanno Baarlamaanka Somalialnd ka tirsan, Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dhaq-dhaqaaqa qaarkood ee Somaliland iyo dadweynaha in badan oo ka tirsan, ayaa si kulul oo isku dhadhaw u cambaareeyey tallaabada ay Xukuumadda Somaliland kula kacday Dhakhtarka Soomaaliyeed ee Dr. Cali Macaw Aways.


Waxaanay sheegeen in Xuquuqda Dhakhtarta si qaawan oo aan gabbasho iyo qaddarin toona lahayn  Xukuumaddu ay ugu tumatay iyo weliba Xuquuqda dadka Muwaaddiniinta ah ee Bukaanka ah ee isu-diiwaangeliyey inay Dhakhtarka la kulmaan oo isaga kala yimi gobollada dalka iyo weliba dalalka jaarka qaarkood, kuwaasoo aanay tixgelin baahida caafimaad ee ay Dhakhtarka u qabeen, ka dib markii hawlgalka caafimaad ee uu u yimi laga joojiyo khamiistii hore oo uu ka bilaabay xarunta Xabiiba Xannaan ee Hargeysa. Waxaanu Dhakhtar Macaw ka yimi magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu Xarumo Caafimaad ku leeyahay.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


                                       

No comments:

Post a Comment