Thursday, April 3, 2014

Go’aankii Xildhibaannada, Dhawaaqii Gud. Golaha Sheffield, Jewigii Madasha, Dareenkii Jaaliyadda iyo Xog-warranka tallaabada Xigta ee Mudane Maroof




Sheffield, 03 April, 2014 (Himilo)- Golaha deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, ayaa shalay cod-aqlabiyad ah ku ogolaaday taageerada madax-bannaanida Somaliland, waxaanay noqonayaan hay’addii u horreysay goleyaasha caalamka ee ka badheedha Aqoonsiga Somaliland.


Mooshin ku saabsan Aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland oo shalay lagaga dooday Golaha Deegaanka ee Sheffield, ayaa dhammaan mudaneyaashii golahaas ku sugnaa oo tiradoodu gaadhay 84 mudane oo ka soo kala jeeda Dhowr Xisbi, waxa ay si aqlabiyad ugu codeeyeen inay aqoonsan yihiin qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.


Fadhiga shalay ee Golaha Deegaanka magaalada Sheffield, waxa goob-joog ka ahaa wefti ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Tamarta iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.


Haweenayda Gudoomiyaha ka ah golaha deegaanka magaalada Sheffield, Vickie Priestley oo ah maayarkii 117 aad ee soo mara magaalada Sheffield, ayaa codeyntii qaraarka madaxbanaanida Somaliland ka dib ku dhawaaqday inay maanta ansixiyeen, kuna dhawaaqayaan in golaha deegaanka Sheffield aqoonsaday madaxbanaanida Somaliland.


“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in maanta golaha deegaanka Sheffield cod ku ogolaaday madaxbanaanida Somaliland,” ayey tidhi Maayarka magaalada Sheffield.


Xildhibaan Maxamed Maroof oo ka tirsan Xisbiga Labour-ka (Shaqaalaha) oo isagu mooshinkan hor-dhigay Golahooda, ayaa ka dib markii laga soo dareeray kulankaas, waxa uu Wargeyska Himilo uga warramay dareenkiisa ku waajahan ansixinta Golahan iyo sidii lagu meel-mariyey.


Waxaan ku joognay 84 xildhibaan, dhamaantoodna way u codeeyeen mooshinkan aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland. Waan ku faraxsan nahay taageerada aan ka helay Lixdanka mudane ee aanu isku xisbiga nahay iyo dhammaan xildhibaanada xisbiyada kale.”


Mr. Maroof oo ka hadlayey tallaabada xigta ansixintan ee uga qorshaysan ololaha uu qaybta ka yahay ee aqoonsi-raadinta Somaliland, waxa uu intaas raaciyey,  “Waxaan jeexnay dariiq goleyaasha deegaanada magaalooyinka kale ku deydaan, taas oo dhisi dhisi doonta olole aan culays ku saarno xukuumada Ingiriiska aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland. Waan ku farxsanahay inaan la shaqeeyo jaaliyadda Somaliland ee Sheffield, Somaliland-na way buuxisay dhammaan shuruudahii looga baahnaa si beesha caalamku u aqoonsato.”


Xildhibaan BenCurran oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ayaa isaguna sheegay mar uu ka hadlayey ansixinta Aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland ee golaha deegaanka Sheffield, "Waxaan rajeynayaa in tallaabada golaha deegaanka Sheffield tahay furihii u horeeyey sidii Somaliland ugu hanan lahayd xuquuqdooda madaxbanaanida ay doorteen.”


Xildhibaan Julie Dore oo isaguna ka tirsan xisbiga Shaqaalaha oo dareenkiisa ka hadlayey ayaa sheegay, "Kooxda xisbiga Shaqaalahu waxay u gudbin doonaan qaraarkan madaxbanaanida Somaliland xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska William Hague," ayuu yidhi xildhibaanku, Isagoo raaciyey, "Waxaan dhab ahaan aaminsan nahay inaad xaq u leedihiin go’aan ka gaadhsita mustaqbalkiina."


Boqolaal ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa intii lagu gudo-jiray fadhiga doodda, waxa ay hor-tubnaayeen barxadda hore ee Aqalka Golaha Deegaanka ee magaalada Sheffield, kuwaas oo bannaan-baxa ay isugu yimaaddeen goobtaas ku tilmaamay taageero iyo mahad-naq ay ugu muujinayaan xildhibaannada Golahaas go’aanka ay ku ogolaadeen aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.


Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska oo ay xoog ku leeyihiin xisbiyada mucaaradka ah ee dalka Ingiriiska, ayaa Lix xildhibaan ku leh golaha Baarlamaanka Ingiriiska oo la doonayo in la horgeeyo mooshinka ay mudaneyaasha golaha deegaanka Sheffield Ansixiyeen.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment