Wednesday, April 2, 2014

Somaliland oo shaaca ka qaadday inay Hay’adaha DLCO iyo FOA kaga baxeen Wax-ka qabashada Aafada Ayaxa oo ay hore u ballan-qaadeen




Wasaaradda Beeruhu maxay ka tidhi in Cunto ahaan loo isticmaali karo Ayaxa haddii la-dagaallankiisii lagu guulaysan waayey?


 


“Nasiib-darro, sidaannu u sugaynay diyaaraddii oo Hargeysa soo fadhiisata oo la bilaabo hawsha, oo aannu diyaarinnay shaqaalihii ka shaqayn lahaa, ayay labada Hay’adood na yidhaahdeen...” - Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland: WARAYSI GAAR AH


 


Hargeysa, 02 April, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in Hay’adaha la-dagaallanka Cayayaanka Ayaxa ee mageceeda loo soo gaabiyo DLCO iyo Hay’adda Cuntada Beeraha ee FOA, ay ku wacad-fureen, isla markaana ay ka baxeen go’aan hore la isula qaatay oo ahaa in Ayaxa dalka Somaliland ku habsaday oo hadda marxalad halis ah maraya ay Diyaarad ku buufiyaan, ka dib markii ay shalay si cad ugu sheegeen inaanay wax Sun ah oo Ayaxa lagu buufiyo aanay haynin.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Eng. Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo Waraysi gaar ah Khadka Taleefanka shalay ku siiyey Wargeyska madaxa-bannaan ee Himilo, ayaa sheegay inay labadaa Hay’adood oo hore uga gaabiyey hirgelinta baaqyada saamaynta Ayaxa ku saabsan ee ay Wasaaradda Beeruhu u jeedisay ay immikana ka baxeen go’aan ay hore u wada qaateen, isla markaana ay dawladda Somaliland talo Qaran ka yeelan doonto sidii Ayaxa wax looga qaban lahaa iyo ciddii ay la kaashan lahayd-ba.


cabdilaahi-caasiAgaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Eng. Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo ka warbixiyey natiijada kulan ay wada yeesheen Haya’adaha la-dagaallanka Ayaxa ee DLCO iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka ee FOA oo qorshe ay isku ogaayeen mid aan ahayni kaga soo baxay waxa uu yidhi; “Sidaad la socoto Ayaxa muddo immika laga soo bilaabo bishii sagaalaad ee sannadkii tegay illaa bishan aynu ku jirno ee April, Wasaaradda Beeraha Somaliland way qaylinaysay oo waxay lahayd Ayax baa dillaacay ee wax hallaga qabto, iyadoo baaqeeda u diraysay Hay’adda la-dagaallanka Ayaxa ee la yidhaahdo DLCO iyo Hay’adda FOA ee Cuntada adduunka qaabbilsan, farriintaa aannu gaadhsiinaynayna waxay ahayd halkaa waxaa ka soo socota masiibo ee Ayaxaa hallaga hor-tago oo halla buufiyo. Hawshaasi muddo ayay soo galgalanaysay, waana laga dhego-adaygay.”


“Aakhirkii bishii koowaad ee sannadkan waxaa la qaaday Sahamin, sahamiintaas waxaa lagu soo ogaaday inuu Ayaxu rasmi u joogo Somaliland oo uu qaan-gaadhayo oo dhaqso u duulayo, waxaannu labadaas Hay’adood ee Ayaxa iyo ta cuntada adduunka isla go’aansannay in si dhakhso ah wax looga qabto oo Cirka iyo dhulkaba laga buufiyo. Sahaminta 15-ka cisho la sameeyey go’aanka ka soo baxay waxa uu ahaa in hawshaas dhaqso loo galo, Wasaaradda Beeruhuna kalsooni bay siisay oo waxay tidhi Buufiya.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland.


Waxaanu Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Nasiib-darro-se, sidaannu u sugaynay diyaaraddii oo Hargeysa soo fadhiisata oo la bilaabo hawsha, oo aannu diyaarinnay shaqaalihii ka shaqayn lahaa ee Wasaaradda Beeraha ee hawl-galkaas Buufinta ah hagi lahaa ee ka shaqayn lahaa ee dhulka iyo cirkaba ka buufin lahaa Ayaxa ee aannu u sugaynay, ayay qoladii Hay’adda FOA shalay (dorraad) yimaaddeen, waxay nagu war-geliyeen inay Alaabtii iyo Lacagtii-ba hayaan, hase-yeeshee aanay dawadii Kiimikada ahayd ee lagu buufin lahaa Ayaxa haynin. Haddii wax la diyaarinayo waxa loo hor-diyaariyaa dawada, waxa kale marka dawada la helo ayay ka dambeeyaan. Markaa, wax maskaxdayada geli waayey ayay nagu noqotay, Lacagtii waannu haynaa, Shaqaalihii waannu tabobbaraynaa, laakiin Suntii ma hayno.”


“Maxaa xal ah markaannu ku nidhi, waxay nagu yidhaahdeen; ‘Dawladda Itoobiya ka dalbada Suntii lagu buufinayey Ayaxa, Annaguna aannu Lacagta bixinno marka ay idin soo siiso. Taasina waa dhaqan aan lagu aqoonnin Hay’adda Ayaxa ee DLCO iyo FOA toona oo aan weligeed la arag, ee intay qalabka, suntan iyo waxoodoo isku dhan la yimaaddaan, ayuun baa fasaxa la siin jiray oo la odhan jiray Buufiya halkaas iyo halkaas inta dadka iyo xoolaha laga saaro, arrintaas iyada ahi waxay noqotay mid nasiib-darro ah oo nagaga soo baxday labadaas Hay’adood. Annaguna waxaannu ku nidhi; ‘Taasi Masuuliyaddayada maaha, awoodna uma lihin inaannu annagu dawlad soo barino ee idinkaa qaabbilsanaa farsamada iyo adduunka ee keena haddaad buufinaysaan, annaguna diyaar baannu idiin nahay’. Wakhtigii ay dawladdii Soomaaliya jirtay qayb ayay Ururka ka ahayd oo dawlad kasta oo xubin ka ahi lacag bay dhigi jirtay, marka Ayax yimaaddana Hay’adda DLCO, iyadaa qalabkeeda iyo sunteedaba la iman jirtay oo Soomaaliya Hargeysa ayay Xarun weyn ku lahayd, markaa immika tii ma jirto oo innagu lacag ma dhigno, balse Lacagtii waxaa bixinaysa oo halkii dawladda oo kale ku jirta Hay’adda FOA, ujeeddada ay markaa ka leeyihiin inay sidan yidhaahdaan ma garan karno.”


Agaasimaha oo waxaa la weydiiyey, labadaas Hay’adood maxay ku sababeeyeen inay wixii kale oo dhan diyaariyeen suntii Ayaxa lagu buufin lahaana aanay haynin oo ay meesha ka baxday? Waxaaanu ku jawaabay; “Wallaahi hawshaasi waa ta naga fajicisay ee aannu layaabbannahay waxa ku kallifay, iyadoo habsan kaa badani dhacay oo aannu u arkayno dib-u-dhac qorshaysan inuu ahaa oo illaa bishii sagaalaad ee sannadkii 2013 illaa maanta oo aynu ku jirno bishii 4-aad ee 2014, aannu hawshaa ku jirnay in ugu dambeyn gunaanadki noqday wax walba waannu haynaa ee waxa naga maqan Suntii waa nasiib-darro. Markaa, halkaas ayay taagan tahay, Insha Allaahu si dhakhso ah berri (maanta) illaa saa dambe (berri) waxaa laga gaadhi doonaa Talo Qaran.”


Markaa, wax sabab ah oo idin qanciya ma idiin sheegeen labada Hay’adood ee la-dagaallanka Ayaxa iyo cuntada Adduunku? Agaasimaha oo su’aashaas ka jawaabayey waxa uu yidhi; “Wax sabab ah oo na qanciya noomay sheegin, dawadi ma taallo suuqayada ee dawladda Itoobiya ayaa haysee weydiista ayay noo sheegeen, taasina sabab maaha ee Suntuna Suuqyada ayay taallaa oo Hay’adaha caalamka ee qaabbilsan la-dagaallanka Ayaxa oo dhan ayaa Suntaas haya.”


“Maya, ee waxay taallaa Hay’adaha qaabbilsan la-dagaallanka Ayaxa yo goobaha lagu keydiyo ee Hay’addii hawshan ku shaqada lahayd iyo FAO oo iyadu lacagta bixinaysa ayay tahay Masuuliyaddooda halkay doonaan haka keenaane inay Suntaas keenaan, kuwii ay masuuliyaddooda ahaydna waa labadan Hay’adood ee iska indha-tiraya. Laakiin, dawladda Itoobiya weydiista Sunta, waxaasi wax annaga naqanciyey oo aannu ku qanacnay maaha runtii.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland oo ka jawaabayey in la weydiiyey inay Suntu Suuqyada kiimikada ee caalamka mabnuuc ka tahay iyo in kale.


Waxaanu intaa ku ladhay oo yidhi’; “Waxaan kuu sheegayaa Insha Allaahu tacaalaa in si dhakhso ah Talo Qaran aannu ka yeelanno oo aannu aafada Ayaxa isaga nimaadno haddaannu nahay Wasaaradaha Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga, Hay’adda Aafooyinka Dabeeciga ah iyo dawladduba oo aannu Talo Qaran ka soo saarno arrintaas maalmaha berri illaa saaddambe (maanta illaa berri).”


Mar uu Agaasimaha Beeruhu ka jawaabayey Agaasimaha Hay’adda Masiibooyinka Dabeeciga ah ee Somaliland inuu sheegay inaan Ayaxa Somaliland ku fadhiya wax laga qaban karaa jirin, waxa uu ku jawaabay; “Agaasimaha Hay’adda NERED waxa uu sheegay inaanay dawladda Somaliland awood u lahayn wax ka qabashada Ayaxa dalkeeda ku habsaday, taasi waa run oo way caddahay, Somaliland-na awood uma laha inay maanta wax ka qabato masiibada Ayaxa awood ahaan iyo dhaqaale ahaan toona, awalkii horena Hay’adaha caalamiga ah bay la kaashan jirtay, kuwii ay la kaashatayna waakuwan ka gaabiyey.”


Waxaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland la weydiiyey su’aal u dhacday sidan: Culimadu waxay sheegeen in Ayaxu uu xalaal yahay oo la cuni karo, isla markaana waxay dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa Islaamka ah marka uu sidan oo kale Ayaxu dalalkooda ugu habsado lamaba dagaallamaan ee waxay uga faa’iidaystaan cunto ahaan, markaa suuragal ma tahay in Somaliland-na sidaas oo kale samayso oo ay cunto ahaan uga faa’iidaysato maaddaama oo cunista Ayaxu xalaal tahay Diiniyan?


Agaasimaha oo su’aashaas ka jawaabayaana waxa uu yidhi; “Horta, Diinta Islaamku waa xaq waxa ay sheegtay, Ayaxuna waa xalaal oo Diintu way xalaalaysay. Laakiin, Dhaqanka Somaliland waxyaabo badan oo ay Diinta Islaamku xalaalaysay ayaanay dadka qaar cunin ama dhammaanba aanay wada cunin. Ayaxa dhammaan ma wada cuno dadkeenno oo baahi baan innoo haynin oo sidaad u ogtahay Kalluun baynu haysannaa, Xoolo kala duwan baynu haysannaa, Xoolahaa aynu haysanno marka la qalo dadka qaar baan meelo badan oo Xalaal ah aan Hilibka ka cunin, meelo ayaanay raggu cunin innagoo og inay xalaal yihiin, haddana dhaqan ahaan bay innaga noqotay. Markaa, dalalka Xooluhu ku yar yihiin ayaa Ayaxa cuna sida dalalka Afrika, Carabta oo iyagu caan ku ah iyo dalal kale. Laakiin, Somaliland hore ugamay dhicin in Ayaxa la cuno, maantana kama diyaar aha.”


Mar Agaasimaha la weydiiyey inay Wasaarad ahaan hore u shaaciyeen in Ayaxa diyaarad lagu buufiyo inay ka cabsoodeen inay ku sumoobaan dadka iyo xooluhu oo ay baajiyeen, markaa ma la odhan karaa Hay’adaha oo markaas diyaar ahaa inay go’aankaa hore ka biyo-diideen oo ay iyaguna immika idinka fadhiisteen? Waxaanu ku jawaabay; “Markii aannu sheegnay ee Wasaarad Beero ahaan aannu lahayn in diyaarad lagu buufiyaa suurtagal maaha, waxa uu Ayaxu ku fadhiyey Deegaannada Xeebta ah oo Barwaaqo ahaa, dadkii iyo Xoolihii Somaliland intooda badanina Xeebaha ayay joogeen oo dhulkaa Ayaxu ku fadhiyey ee aannu ka joojinnay diyaaradda Usha circa loo tuuraa dhulka umay dhacayn oo Xoolaha iyo aqallada reeraha ayaa sinnaa. Diyaaradda marka wax lagu buufinayana sharcigeedu waa in dadka iyo xoolaha laga saaro, wakhtigaasna kamaannaan saari karayn oo Xeebta ayaa Barwaaqo ahayd oo dadka iyo xooluhuba u guuray. Markaa, waxaannu kula tacaalaynay in aannu dhulka ka buufinno oo shaqaaluhu deegaannadaas tagaan, laakiin diyaarad looma isticmaali karin. ”


Ugu dambayntii Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Eng. Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Somaliland ahaan suuragal u tahay helitaanka Suntaasi maaddaama oo uu Ayaxu dalka ku sii baahayo, waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Maya annaga nooma aha suuragal inaannu dawo raadsanno, dawada waxa iibsada dad Khibrad u leh, Hay’ado ayaa qaabbilsan innaga oo keliya maaha ee waa caalamka oo dhan, markaa Khabiirrada aqoonta u leh ayaa eegaya Suntaas marka ay Sahaminta ku sameeyaan deegaannada Ayaxu ku jiro iyo heerka marxaladda uu marayo iyaga ayaa garan kara nooca suntan loo isticmaalayo. Laakiin, annagu intaannu soo iibsanno inaannu nidhaahno waatan ee diyaaradda iigu shuub oo ii buufi wax suuragalaya maaha adeer, dunidana kama dhacdo.”


Labadaas Hay’adood oo aannu isku daynay inaannu dhinacooda wax ka weydiinno warkan Agaasimuhu sheegay ayaanay noo suuragelin inaannu geestooda wax war ah ka helno.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment