Saturday, June 14, 2014

Guddoomiyiyhii Wargeyska Haatuf Oo Mar Kale Jeelka Loo Dhaadhiciyey

Hargeysa:June,14,2014(Himilo)-Guddoomiyihii wargeyska Xayiran ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa Maanta Markale loo dhadhiciyey Jeelka Wey nee Hargeysa

ina gaboobeGuddoomiye Yuusuf Cabdi Gaboobe oo hab Dammiin ah ku Joogay  Magaalada ayaa xadhigiisa  uu noo xaqiijiyey Xoghayaha Guud ee Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax.

Yuusuf Cabdi gaboobe  iyo Xogyahaha Guud ee Solja ayaa saaka si wada jir ah u tegay Xarunta Maxkamadda Gobolka Hargeysa si ay u soo qaataan  muddada Dacwaddii Loo haystay wargeyska Haatuf oo ka furnayd Halkaas muddo dheer.

Ujeeddada kale ee saaka Maxamed-rashiid iyo Guddoomiye Yuusuf u tageen Maxkamadda Gobolka ayaa ahayd sidii ay u beddeli lahaayeen Garsoorihii hore dacwadda Gacanta ugu hayey oo ay Daadafeeyeen Qolada Wargeysku.

Lama Hayo cidda sida kama dambaysta ah u xidhay Yuusuf Cabid Gaboobe, waxase uu Maxamed Rashiid sheegayaa inuu xaakinkii kiiska Gacanta ku Hayey xidhay.

Sababta xadhigiisan cusub keentay ayaanay jirin warar faahfaahsan oo ka soo Baxayaa, waxase Loo Malaynayaa inuu dhacay Jaafaa-jiriq maxkamadda dhexdeeda ku dhex maray isaga iyo Xaakinka kiiskiisa Gacanta ku hayey.

Yuuufuf Cabdi Gaboobe ayaa muddo Labaatan cisho ku dhaw u xidhnaa kiiska wargeyskiisu u xayiran yahay oo xubno xukuumadda ka tirsani ku Dacweeyeen, waxase uu muddo kooban ku joogay Damiin lagaga sii daayey Jeelka Gabiley oo uu ku jirey.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment