Tuesday, June 3, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-Baadhista Iyo Technology-yada




Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii xidhiidhka golayaasha, cilmi-baadhista iyo technology-yada Aadan Axmed Warsame, sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha.


Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidatan:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.


 


 


 


Ujeedo:          Xil-ka Qaadis


 


Ku:      Mudane, Aaden Axmed Warsame,


          Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda                                                             


 


 


Mudane,


 


Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.


 


Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment