
Xukuumadan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay wada dhisaan Xisbiyada Xamaas iyo Fatax oo hore loolan xoogan uga dhaxeeyey, waana tilaabo lagu mideynayo codka shacabka Falastiin.
Yuhuudda ayaa sheegay inaaanay wax xidhiidh ah la sameyn doonin Xukuumada cusub maadaama ay Xamaas ku jirto, ururkaasi oo aan aqoonsaneyn jiritaanka maamulka Isra’iil. Waxayna xukuumada Isra’iil ku hanjabtay inay cunaqabatayn horleh saari doonto dowlada cusub ee Falastiin.
Dowladaha Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan dowlada cusub ee Falastiin, taas oo yididiilo iyo niyad wanaag ku abuurtay Dawladdan cusub ee shacabka reer Falasteen ee dhibaatadu haysaa samaystay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment