Sunday, June 15, 2014

Midawga Yurub, Maraykanka iyo Ingiriiska oo Baaq culus ka soo saaray dagaallada Sool iyo Sheegashada dhulka Somaliland




Taleex, 15 June, 2014 (Himilo)- Danjireyaasha dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Ururka Midawga Yurub u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa ugu baaqay in xaaladda la dejiyaan Somaliland iyo dhinacyada ka soo horjeeda ee Puntland iyo Khaatumo oo isku haya degmada Taleex iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana ay dib u kala qaadaan Ciidammada hubaysan ee jiidahaas isku hor-fadhiya oo Jimcihii dagaallo ku dhex-mareen deegaannada Kurcad iyo Saax-dheer.


EU UKDanjiraha dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan, Ergayga Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya Michele Cervoned’Urso, ayaa walaac ka muujiyay Ciidammada ku sugan goobaha ay Somaliland kula muransan yihiin Malleeshiyoonka isku magacaabay Puntland iyo Khaatumo, deegaannadaas oo ka tirsan gobolka Sool ee waddanka Somaliland.


Wakiilladani waxay sidaa ku sheegeen qoraal kooban oo ay shalay si wada-jir ah u soo saareen, kaasoo ay kaga digeen dhibaato kasta oo deegaankaas ka dhalan karta, waxaanay dhinac walba ugu baaqeen in wax kasta oo colaad keeni kara la joojiyo, isla markaana laga shaqeeyo horumarinta iyo kaabista adeegyada bulshada ee shacabka deegaannadaas ku nool iyada oo aan loo eegaynin arrimaha siyaasadeed iyo murannada Somaliland iyo dhinacyada kale ee Puntland iyo Khaatumo ka dhexeeya iyo taageerada ay shacabku u kala hayaan toona.


Qoraalka ay Xubnahani soo saareen waxaa ka mid ahaa oo lagu yidhi; “Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro Ciidammada goobaha lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag, waxaanan ugu baaqaynaa dadka ay arrintaasi khuseyso inay ka waantoobaan rabshadaha.


Waxaan ku baaqaynaa is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka Ciidammada. Dhammaan qaybaha ay khuseyso arrintani waa inay dedaal deg-deg ah sameeyaan si wadahadallo loogu xalliyo khilaaf iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista ah in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah deggenaasho waara oo ka dhacda gobolka.”


Hadalkan ayaa imanaya laba maalmood ka dib markii ay Khamiistii Ciidamada Qaranka Somaliland la wareegeen gacan-ku-haynta degmada Taleex oo maalmihii la soo dhaafay shir Somaliland ka dhan ahi uga socday Siyaasiyiinta Maamulka Khaatumo isku magacaabay. Waxaana sidoo kale Jimcihii dorraad labadii gelinba dagaallo ku dhex-mareen deegaannada Kurcad iyo Saax-dheer ee Koonfurta-bari ee gobolka Sool Ciidanka Somaliland iyo Malleeshiyooyin kala taabacsan Puntland iyo kooxda isku magacawday Khaatumo.


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland     

No comments:

Post a Comment