Ciidanka ayaa soo saaray war sheegaya in dhammaanba shacabka halkaas ku dhaqani ay si Bilaasha ah ama lacag la’aan ku Daawan doonaan Ciyaaraha Koobka Adduunka ee Maanta ka Bilaabmaya Dalka Brazil.Amar ka soo baxay madaxa militeriga Thailand ee dhawaan afgambiga ku qabsaday dalkaas ayaa ku amray shikrada telifishinada dalkaas iney dadka si bilaash ah ugu sii deeyaan daawashada ciyaaraha Adduunka mudada bisha ay soconayaan.
Milteriga ayaa arintan uga gol leh iney u dabaaldagaan maalmaha wanaagsan uu dalkaas galayo iyo culeyska xukunkii hore dalka ka jiray oo ay iska dul qaadeen.
Shirkadan ciyaaraha u sii deysa dadka dalkaas ayaa weydiisan doonto dowlada militiriga 21.3 milyan doolar oo magdhow ah.
Waxaa kaloo jira dabaaldagyo kale oo ay qorsheyneyso dowlada militeriga ee dalka la wareegtay waxaa kamid ah madax xiir lacag la’aan ah iyo ruwaayado bilaash lagu daawanayo.
Waxa la sheegayaa in qof kasta oo isku arka inuu u baahan yahay xiirasho aan la weydiin doonin wax lacag ah oo sida uu doono loogu xiiri doono dhawaan, waxana la filayaa in amar kale lagu soo rogo Ra’islayaasha dalkaas oo loo sheegayo inaanay wax lacag ah weydiinin dadka ay timaha ka jarayaan.
Himilo Medida
No comments:
Post a Comment