Wednesday, June 18, 2014

Qarax Lagu Dilay Khakhtar Caan ahaa Ka Dhacay Gudaha Cisbitaalka Kaysaney

Muqdisho:June,2014(Himilo)-Wararka Laga Helayo Cisbitaalka Kaysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa  in halkaasi saaka uu ku qarxay gaadhi uu lahaa mid ka mid ah dhakhaatiirta cusbitaalkaasi oo magaciisaga lagu soo gaabiyay Dr. Xoogga.

keysaneyqarax2 Qaraxa waxaa ku dhintay hal ruux oo lagu sheegay kal-kaaliye dhaqtarka la shaqeynayay, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 7-ruux.

Gaadhiga oo hore qaraxa loogu soo diyaariyay ayaa qarxay kadib markii uu dhakhtarka uu  yimid cusbitaalka islamarkaa uu dhigay baarkin gudaha cusbitalka ku dhex yaal.

Hore ayaa waxaa qaraxyo noocan oo kale ah loogu dilay shakhsiyaad isugu jira xildhibaano, saraakiil iyo dad wax gal ah.

 

 

 

 Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment