Sarkaalka la dilay ayaa ilaa iyo Hadda magaciisa lagu soo koobay Cali Xoor kaas oo ahaa taliyihii Aagga Koonfureed ee Ciidanka qaranka Somaliland, waxana Halkaas ku dhaawacmay Tiro ciidan ahaa oo ilaalo u ahaa isaga.Dilkan ayaa dhacay xilli iska horimaadyo goos goos ahi aaggaas ku dhex marayaan Ciidanka qaranka iyo kooxo Hubaysan oo Khaatumo sheeganaya.
Ciidanka qaranka iyo xukuumadda Somaliland midkoodna kama Hadlin Dilkan Taliyaha, waxana kooban wararka laga heli karo Aagaas oo ah Goobo Baadiye ah.
Kooxo Hubaysan oo uu soo abaabulay Cali Khaliif Galaydh ayaa Hab dhuumaalaysi ah ciidanka qaranka ee Aagaas ku sugan ugu Haya Weerarro gaadmo ah, waxase Socda Diyaar garow ballaadhan o kooxahaas Halkaas lagag Sifaynayo.
Wixii warar ah eek a soo kordha Dilka Sarkaalkaas kala soco wararkayaga Dambe.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment