Sunday, June 15, 2014

Wasiirka Madaxtooyadu Muxuu ka yidhi Safar dhulka ah oo ay ku mareen Jabuuti ilaa Saylac?




Saylac, 15 June, 2014 (Himilo)- Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Jimcihii u kicitimay waddanka Jabuuti, ayaa shalay soo gaadhay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel, kuwaasoo shaaca ka qaaday in dawladda Turkigu ka taageeri doonto dhismaha Jid laamay ah oo deegaankaas laga hirgelin doono.


xirsi iyo TurkeyWeftigaas oo ka koobnaa saddex Wasiir oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa safarka Jimcihii ku tegeen Jabuuti ku soo beegmay maalmo ka dib markii la xidhay xadka isku xidha dalalka Jabuuti iyo Somaliland oo dadweyne iyo gaadiid badani ku xanniban yihiin magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla xadka ay labada waddan wadaagaan, waxaana loo dheg-taagayaa waxa ay Wasiirradani ka qabtaan isu-socodka labada dal.


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa bartiisa Facebook uu ku leeyahay waxa uu ku baahiyey warkan oo uu kaga hadlay qodobbo kala duwan oo ay ka mid yihiin imashada Saylac ee shalay, waxaanu qoraalkaas uu Wasiirku Facebook ku baahiyey ku bilaaban sidan hoos ku qoran:-


“Dawlada Turkey-gu waxay horay u ballan-qaadday dhismaha Jidka Isku Xidha Jabouti iyo Saylac..Dawladeenna Somaliland-na waxaan Abaabul ugu jirnaa hirgelinta Jidka isku Xidha Saylac iyo Borama. Waxay ahayd maanta abaaro 10:30 Subaxnimo kadib markaan socdaal dhulka ah kaga soo baxnay dalka Jabouti annagoo u soo jeedna Caasimadda gobolka Selel ee Saylac.  Ugu horrayn waxaan soo gaadhnay magaalada Lawyacado oo ah magaalo saaran xadka aan la leenahay dalka aynu jaarna nahay ee Jabouti.”


Waxa uu Wasiir Xirsi oo qoraalkiisa sii waday intaas ku ladhay oo yidhi; “Waxaan indho-indhayn iyo kormeer ku soo marnay Xafiisyada dawladdeenna Somaliland ee ka hawlgala degmada Lawyacado oo ay mid yihiin Xafiiska laanta Socdaalka (Immigration Office), Saldhigga Degmada iyo guud ahaan xarumaha dawladda.”


“Ka dib waxaan halkaas ka sii wadnay Safarkii aannu ugu jirnay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salel, ka hor intii aannu gaadhin degmada Saylac waxaannu sii marnay Tuulada caanka ku ah samaynta iyo soo saarka Milixda ee Toqoshi. Toqoshi waa goob ku caan ah soo saarka iyo dhoofinta Milixda isla markaana Alle ku manaystay il dhaqaale oo u baahan horumarin iyo ka faa’idaysi. Socdaal Saacado qaatay kadib waxaanu gaadhnay Magaalo Xeebeedka taariikhda dheer ee Saylac.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.


Ujeeddada Kormeerkaas ay sameeyeen Xirsi oo ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Wakhtigii aanu halkaas ku sugnayn ayaan kormeer iyo dardar gelin maamul ku samaynay xarumaha kala duwan ee dawladda isla markana kulamo la yeelanay masuuliyiinta heer Gobol iyo heer degmo dhammaana waxaanu isla meel dhignay, kor u qaadida adeegga bulshada, adkaynta amaanka iyo ka faa’idaysiga khayraadka uu ka mid yahay Kaluunku.”


“Kadib waxaan Maamulka iyo shacabka kala hadalnay in loo baahan yahay in muruq iyo maalba la Iskugu geeyo sidii loo hirgelin lahaa jidka isku xidha Degmada Saylac ee Xarunta gobolka Salel iyo Degmada Boorama ee Caasimadda gobolka Awdal. Waxaa hubaal ah khayraad walba oo aan u baahannahay in aan ka faa’idaysanno in uu u baahan yahay jid la mariyo, isla markaana mar walba muftaaxa horumarku yahay Waddo.” ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo qoraalkiisa sii watay.


Waxaanu intaas ku daray oo yidhi; “Sidoo kale waxaan abaabul iyo gogol xaadh ku soo samaynay jid aan balan qaadkiisa ka haysano dawladda Turkey-ga oo isku xidhi doonaa Zaylac iyo Dawladda aan jaarka nahay ee Jabouti, Safarkan aan maanta ku tegnay Degmada Zaylac ayaa noogu soo dhamaaday rejo fiican iyo abaabul xooggan.”


“Guud ahaan Maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmada Saylac ayaa si hufan u ballan-qaaday in ay horumarka dalka ka socda qaybtooda ka qaadan doonaan, isla markaana abaabul xooggan ka geli doonaan sidii ay u hirgalin lahaayeen jidka isku xidha Saylac iyo Boorama.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan. Hase-ahaatee, kamuu hadal xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland oo xidhan, toddobaadkii u dambeeyeyna cabashadiisu soo kordhaysay.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment