Hargeysa, 14 June, 2014 (Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Khamiistii todobaadkii hore munaasibad laysku arkay ku qaabilay Siyaasiyiin muddo sannado saaxadda siyaasadda ka maqnaa oo ka tirsanaa xibsigii baaba’ay ee UDUB, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Waddani.
Masuuliyiinta ku biiray Xisbiga Waddani oo miisaan culus ku lahaan jiray siyaasadda dalka xilligii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka ururs-siyaasadeedkii RAYS ee doorashadii deegaanka ku hadhay iyo taageerayaal tiro badan, ayaa xisbiga Waddani munaasibad balaadhan ugu qabtay Hotel Ambassador ee Hargeysa.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, Wasiirkii hore ee Qoyska Faadumo Suudi iyo ku-xigeenkii urur-siyaaadeedkii RAYS Saleebaan Qolambi iyo taageeraal ay wateen oo xisbiga Waddani ku biiray, waxa qaabilay masuuliyiinta ugu sarraysa Xisbiga oo uu gu horeeyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Xoghaye ku Xigeenka iyo Xoghayaha Hidaha Iyo Dhaqanka Xisbiga WADDANI oo ugu horeyn ka hadlay munaasibada, ayaa si diiran u soo dhaweeyeen Siyaasiyiinta saaxadda saaxadda ka nastay in ay ka mid noqdeen Xisbiga WADDANI.
Gudoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedkii RAYS Saleebaan Barre Qolombi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa halkaas kaga dhawaaqay inay in isaga taageerayaashiisuba ka mid noqdeen Xisbiga WADDANI. “Waxa aan doonayaa in aan halkan ka sheego in dhamaanba intii aan hogaminaayey iyo intii kaleba in aan dhamaantayo ku soo biirnay Xisbiga WADDANI, waa ay jirtay wakhti aanu ku tala galnay in aan ka mid noqono KULMIYE, laakiin KULMIYE waxaa u saaran yahay doon daloosha, markaa biyihiina waa ay iska qaban kari la’a yihiin, sidaasi darteed inta saarana waan ugu baqayaa oo aan leeyahay iskaga soo baxa oo halkan kaalaya.”ayuu yidhi Saleebaan Barre Qolambi.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Qoyska Xukuumadii Daahir Rayaale Marwo Faadumo Suudi oo iyaduna halkaasi ka hadashay, ayaa ka hadashay dareenkeeda ku waajahan munaasibadda xisbiga waddani ku qaabilay iyada iyo taageerayaasheeda. “Waxaa farxad wayn noo ah anaga oo afar sanadood dawladii hore Xisbigii talada hayey ee UDUB aanu ka sokaynay, intaana aanu wax indha indhaynaynay oo aanu markii hore islahayn bal horta axsaab hala yimaado, Axsaabka marka layimaadana tartanku ha adkaado, waxa aanu go’aan sanay oo aanu leenahay Xisbigan WADDANI waa kii badbaadin lahaa waddanka sidaas ayaanan ugu biirnay.”ayey tidhi Faadumo Suudi Waxaa.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Xukuumaddii UDUB, Siciid Sulub Maxamed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sababeeyey inay ku biiraan xisbiga Waddani, waxaanu yidhi, “Madashan aan soo galnay ama aanu ku soo biirnay Xisbiga WADDANI aniga iyo saaxiibadaydii golaha Wasiirada ee Xukuumada UDUB iyo taageerayaal aad u fara badan,waxaan marka hore ka cudur daaranayaa taageerayaashayadii oo meel walba jooga oo Hargeysa jooga oo anan warka wada gaadhsiin.
Xisbigan waxaanu ugu soo biirnay, waxaan is-weydiiyey bal waxaad eegtaa hadda hogaanka dalkan ama madaxnimada dadkan tolow yaa gaadhsiin kara halka ay doonayaan, markaa markii aanu eegnay saddexdii Xisbi ee soo baxay ee 2001-dii iyo 2002-dii soo baxay UDUB ayaa ka hormuud ahayd, doorashadii danbe soomay soo galin UDUB oo khilaaf bay ku hadhay, waxaa kaalinteedii Soo galay WADDANI. Anigu naftayda wixii aan isa siiyey waxa ay ahayd UCID iyo KULMIYE waanu isniqiinay, intaana cida aan daraasadda ku samaynaayey WADDANI ayaa ay ahayd. WADDANI hogaamin ahaan intaba marka aanu qiyaasnay aniga iyo Asxaabtaydu,waxaanu is nidhi Xisbigii lagaga baxaayey gunimada ee Citiraafka keenayey waa Xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Siciid Sulub.
Gebgabadii munaasibada waxa soo afmeeray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaah Cirro, waxaanu yidhi, “anniga oo ku hadlaya magaca dhamaan madaxda, hawlwadeenada, taageerayaasha WADDANI waxaan ku soo dhaweynayaa Saleebaan Barkhad Qaloombi, Marwo Faadumo Suudi, Md Siciid Sulub iyo Md Axmed Cali Shire, taageerayaashooda inay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI. Waxaan shaki ku jirin inaad awood badan iyo taloba ku soo kordhin doontaan xisbiga. Xisbiga mucaarida ah ee WADDANI wuxuu irridaha iyo daaqadahaba u furay shacbiga Somaliland si loo helo cudud xoog leh oo dhalin karta is beddel taban.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment