Wednesday, June 18, 2014

Xisbiyada iyo Guddiga Doorashooyinka oo kulan yeeshay, sheegayna in diiwaangelin tijaabo ah la samaynayo bishan

Hargeysa, 18 June, 2014 (Himilo)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa shalay xarunta Guddigaas ee magaalada Hargeysa ku wada-yeeshay kulan albaabbadu u xidhnaayeen oo ay kaga wadahadleen u diyaar-garawga diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo ay Guddigu sheegeen inay 21-ka bishan June ee aynu ku jirno samayn doonaan tijaabo lagu ogaanayo qaabka hawshaa loo qaban karo iyo heerka tayada qalabka dadka lagu diiwaangelin doono.

Xisbiyada iyo KomishankaInkasta oo aan kulankaas Warbaahinta loo oggolaan oo ay Albaabbadu u xidhnaayeen, haddana markii uu soo idlaaday waxa warbixin kooban Warbaahinta ka siiyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo sheegay inay Guddigu u sheegeen in diyaarinta hawsha diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinku meel fiican u marayso wakhtigan, isla markaana ay tijaabo samaynayaan bishan aynu ku jirno 21-keeda.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal oo faahfaahinaya waxa kulankaas lagaga wadahadlay waxa uu yidhi; “Waxaannu ka wadahadalnay shaqadii diiwangelinta Cod-bixiyeyaashu halka ay marayso, way mahadsan yihiin (Guddigu) Shaqo fiican ayay qabteen, meel fiicanna way noo maraysaa, waxaannu isku diidnayna ma jirto warbixintii ay nasiiyeen. Waxa noo muuqata in aynu aad iyo aad ugu dhawnahay in ay innoo qabsoonto diiwaangelintu.”

“Waxay yidhaahdeen; Bisha 21-keeda waxaa la galayaa Tijaabadii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha waxaana laga galayaa magaalada Baki iyo magaalada Hargeysa oo goob ah, 300-oo qof ayaa lagu tijaabinayaa, 200-qof waxaa la doonayaa in ay ku celceliyaan si loo arko bahalku (Seerfarku) inuu shaqaynayo iyo in kale si u kasa. Markaa, warbixintaas ayay nasiiyeen in ay hawshaasi ay qabten, waanan isku af-garannay, wax naga Xumaadayna ma jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Faysal waxa uu rejo fiican ka muujiyey in haddii la dedaalo ay diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha oo doorashooyinka ka soo horreysa lagu qaban karo wakhtigeeda oo hore loogu muddeeyey bisha sagaalaad ee sannadkan, waxaanu yidhi; “Horta dadku waa dad yar, waxaana ay wakhtiga diiwaangelintu qaadataa waxa afar bilood. Markaa, waxaannu jecel nahay in horta sannadkan gudihiisa ay noo qabsoonto diiwaangelintu si wanaagsan oo aan khalkhal inna gelin, doorashooyinkiina hadda weli lama gaadhin.”

“Laakiin, waxaannu hadda ka hadlaynaa waa diiwaangelintii Cod-biyeyaasha doorashooyinka dalka sidaa awgeedna hadda wax badan ayaa lawada qaban karaa haddii la wada shaqeeyo, saddexda Xisbi Qaran waa ay wada shaqaynayaan, wax aannu ku kala duwannahayna ma jirto, Komishankuna waa uu innala shaqaynayaa, Daakhiliguna way la shaqaynaysaa. Markaa, waxaan filayaa mar haddii la wada shaqaynayo in arrintu innoo hawl-yaraato.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment