Sunday, June 1, 2014

Xubnaha Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexe Kulmiye Oo Ah Garabka Uu Hogaamiyo Madaxweyne Silaanyo Oo Qado-sharaf Loo Sameeyey

Hargeysa:June,01,2014(Himilo)- Kulan  Qado sharaf ah oo Huteel Ambassador loogu samayey Xubnihii Golaha  dhexe  iyo Guddida Fulinta ee Garabka uu hogaamiyo madaxweyne Silaanyo.

 

syali Kulankan qado sharafta ah  ayaa waxa ka soo qayb galay Xubnihii ku jirey Liiskii  Golaha dhexe iyo Golaha Fulinta ee ay dhawaan ku dhawaaqeen  shirgudoonkii shirweynihii saddexaad ee xisbiga kulmiye,  kaasoo xudun u ahaa khilaafka ka dhex dilaacay Kulmiye.

 

Kulankan ayaa waxa fadhiyey xubno badan oo ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waliba Saraakiil sare oo xisbiga Kulmiye ka tirsan.

Qadada kadib ayaa waxa Halkaas laga Xaadiriyey Liiska in ka badan ilaa laba Boqol oo xubnood oo goob-joog ka ahaa fadhigaas, waxaana xubnaha lagu wargeliyey in dib loo dhigay shirkoodii maanta loo Ballansanaa taasina ay ka timid Guddida dhexdhexaadinta ah ee Golaha Guurtida ka socotay.

Xubaha Golaha dhexe oo qaarkood  halkaasi  ka Hadleen ayaa tilmaamay inaanay waxba ka qabin dib u dhaca shirka ku yimid, isla-markaana ay u hoggaansamayaan Talada iyo Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Siilaanyo.

Kulankan ayaa waxa uu ka dambeeyey markii uu madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u aqbalay soo jeedimo uga yimid Guddida dhexdhexaadinta ah kuwaas oo codsaday in dib loo dhigo  shirka Golaha dhexe oo Loo Ballansanaa inuu  Maanta oo axad ah Furmo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment