u cimri degdegin kana badbaadaan xanuuno badan oo halis galin kara noloshooda, sida lagu sheegay natiijada cilmi baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Machad lagu magacaabo German Max Planck Institute.
Cilmi baadhistaan oo intii ay socotay ay ka qayb-qaateen isla markaana su’aalo kala duwan lagu weydiiyey Laba Kun oo qof oo isugu jira Rag iyo dumar xaasas leh, ayaa lagu ogaaday in Ragga qaba xaasaska farxadda iyo wejiga furnaanta leh ay aad uga caafimaad badan yihiin maskax ahaan iyo jidh ahaanba Ragga kale ee xaasaskoodu inta badan xasaradda iyo cadhada badan.Khubarada cilmi-baadhistan samaysay, waxa ay ku doodeen in farxadda iyo weji furnaanta ay haweenaydu u samayso Saygoodu ay kaalin muhiim ah oo heer sare ka qaadato fayo-dhawrka caafimaadka ninka dhhinac walba, taas oo ay sheegeen in horumarka, dadaalka iyo caafimaadka ninku ay ku xardhan tahay hadba nooca ay noqdaan hab-dhaqanadda ay kala kulmaan xaasaskooda.
No comments:
Post a Comment