Xoghayaha joogtada ee wasaarada maaliyada Kenya, Kamaaw thuugge ayaa waxa uu sheegay in tan iyo 2008-dii ay Kenya ka soo daynsatay dalka shiinaha lacag dhan 829 bilyan oo shiling .Mr Kamaw ayaa aqalka sanadka u sheegay in dowlada isbahaysiga salka balaadhnayd ay lacago badan oo deeq ah ay ka heshay dowlada Shiinaha lacagahaasi oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan .
Xoghayaha joogtada ee wasaarada maaliyada ayaa sidoo kale sheegay in masharuuca dhawaan ay wada saxexdeen dowladaha Kenya iyo Shiinaha ee wadada tareenka ay ku baxayso lacag dhan 309.9 bilyan oo shiling .
Shaaca ka qaadida lacagaha ay dowlada Kenya ka soo daynsatay shiinaha ayaa ka danbaysay ka dib markii sanatarka laga soo doorto Kakamega Buni Khalwale uu dalbaday in ay dowladu ay caddayso lacagaha Daymaha ah dibadda ka soo gala.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment