Haseyeeshee, ciidamada Qaranka uma suurto-galin inay gacanta ku dhigaan Cali Khaliif Galeydh oo wakhtiga gaadhigii la qabtay aan isagu la socon.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle, ayaa warsaxaafadeed kooban oo uu hawlgalkan ku shaaciyey, ku sheegay in tallaabadani tusaale wax-ku-qaadasho mudan u tahay shakhsi kasta oo liddi ku ah Qaranimada Somaliland.War-saxaafadeedka Taliyaha, ayaa u qornaa sidan: “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawl-gal habeen-badhkii xalay ay ka sameeyeen deegaanka Saax-dheer waxay gacanta ku soo dhigeen, Gaadhigii dagaal-ooge Cali Khaliif Galeydh iyo ilaaladii la socotay. Waxay Arrintani Tusaale fiican u tahay Shakhsi kasta oo Qaranimada Somaliland ka soo horjeesta. Waxay Ciidanka Qaranku u taagan yihiin ilaalinta iyo sugidda Soohdimaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, waxaan hambalyo u dirayaa Cutubyada ciidanka Qaranka ee Hawl-galkaas Nabad-diidka ku soo qabtay,” ayuu taliyuhu ku yidhi War-saxaafadeedkiisa.
Hawl-galka Ciidamada Qaranku ku qabteen Gaadhiga iyo maalleeshiyaadka la socday, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Ciidamada Qaranka Somaliland muddooyinkii u dambeeyey ku foogganayeen isla markaana dhusha kala socdeen dhaq-dhaqaaqa dagaal-ooge Cali Khaliif Galeydh.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment