Shalay waxa Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga gaadhay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada ee Somaliland, waxana la filayaa inay dhawaan Halkaas gaadhaan Xubno kale oo kamid ah Wafti ka socda Somalia, waxana laga wada Hadli doonaa Qaabkii loosii Amba qaadi lahaa wada Hadalka labada dhinac oo haatan la doonayo in dib loo bilaabo.Tallaabada Haatan taagan ayaa ah sidii labada dhinac wax iskaga weydiin lahaayeen Arrimihii ku jirey Qoddobadii kasoo baxay Shirarkii hore, kuwaas aan labada dhinac sidii la rabay u dabakhin, waxana la filayaa in la sameeyo Xoghaymo si joogto ah arrimaha labada dhinac iyo ajandayaasha Wada-hadallada iskugu duba rida.
Shirkan wadahadalka labada dhinac ayaa hore u baaqday sanadkan gudihiisa dhowr goor,ka dib markii cabasho kawada timid labada dhinac oo mid goonidii mar u baajiyey inkastoo Somaliland dowladda federaalka ku eedeeysay baajinta shirarka wada hadalka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment