Aabbaha dhalay Haweeneyda, Walaalkeed, ina-adeerkeed iyo Wiil ay u doonnanayd, ayaa lagu xukumay xukun dil ah, waxaana sidoo kale xukun 40 sano ah lagu riday Wiil kale oo la dhashay Gabadha dadkani dileen.Masuuliyiinta Xabsiga, ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay racfaan ka qaadan karaan maxakamadda sare ee magaalada Lahore ee Waqooyiga dalka Pakistan. Haweenaydan oo lagu magacaabi jiray Farzana Parveen, ayaa geeriyootay ka dib markii Eheladeeda ay ku weerareen Budhadh ay ku garaaceen, ka dibna ay dhimatay siday u garaacayeen.
Waalidiinta Gabadha dhalay, ayaa ku eedeeyay ninka Gabadhooda guursaday in uu afduubtay, waxaanay u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah ninkaas Maxkamadda Sare. Balse, Booliiska ayey u caddeysay in ninkaasi ay iskeed u guursatay oo aanu qasbin.
Markii ay soo gashay dhismaha Maxkamadda si ay u dhageysato Dacwadda, ayaa waxa soo weeraray tiro dad ah oo ka tirsan Xubnaha Qoyskeeda, waxa ay bilaabeen in ay garaacaaan iyada iyo Seygeeda, kaasoo markii dambe ka baxsaday.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment