Qaybti Labaad
Xadiiska Musnadka ah waxa lagu gartaa:-
Musnadku waa ka sanadkiisu xidhiidho, ka warinaya laga bilaabo ilaa Rasuulka CSW laga gaadho, Kala go’na aan lahayn.
Musnadku; waa silsilad isku xidhan ka warinaya ilaa Rasuulka CSW, oo dadka warinaya ay yihiin dad isa soo gaadhay oo ugu yaraan hal marna is arkay.
Xadiiska mutasilka ah waxa lagu garta:-
Mutasilku waa xadiiska isku xidhan meesha uu ka bilaabmo ilaa halka uu ku dhamaado.
Musnadku; waxa uu kaga duwan yahay Mutasilka waa isagoo ku dhamaada waa Musnadkee Rasuulka CSW. Hadduu ku dhamaado mutasilku Rasuulka CSW wuxuu noqonayaa Musnad.
Xadiiska Musalsalka ah waxa lagu gartaa:-
Musalsalku waa habka uu u warinayo qofka xadiiska warinaya. Tusaale ahaan wuxuu leeyahay Rasuulka CSW wuxuu ii sheegay, marku intaa yidhaa ayuu is taagaya (isagoo fulinaya ficilkii Rasuulka CSW). Qofka qof u sheegayana marku u sheegayo qof kale isna sidaasoo kale ayuu samaynaya. Tusaale kale Rasuulka CSW qof wax uu sheegay markaasuu gadhka qabtay, Saxaabigaasi markuu qof kale u sheegayana gadhka ayuu qabtay sidii oo kale.
Waxa laga faa’iidaa Musalsalka waa in la ogaado qofkan xusuustiisa.
Xadiiska Casiiska ah waxa lagu garta:-
Casiisku waa xadiiska dadka ugu yar ee warinaya ay yihiin laba qof
Wa xadiis xoog badan oo dhawr qof warinayaan. Ileen dadka ugu yar ee warinaya wataa lagu yidhi waa laba qof. Tusaale ahaan waa xadiis u Rasuulku CSW ka dhex sheegay koox saaxaaba ah, Saxaabadii maqashayna koox taabiciin ah ayey u u sheegeen.
Xadiiska Mash-hurka ah waxa lagu gartaa:-
Mash-hurku waa xadiis ay warinayaan wax ka badan saddex qof.
Xadiiskani wuu kasii xoog badan yahay Casiiski waayo kaa waxa ugu yaraa laba qof kanna waxa u shardi ah in dadka warinaya ay ka badan yihiin saddex qof. Marka wuu ka xoog badan yahay Mash-hurkii.
Xadiiska mucan canka ah waxa lagu gartaa:-
Mucancanku waa qaab loo wariyo xadiiska. Siyaalaha loo wariyo waxa ka mid ah “xadasana” oo ah wuxuu noo sheegay hebel. Mucancankuna waxa weeye “can” taasoo ah waxa laga haya hebel.
Waxa kale oo ay faa’iidaysa “can” in qofka warinaya iyo ka uu ka warinayo inay isku xilli noolaayeen ugu yaraana hal mar ay is arkeen.
Xadiiska Mubhamka ah waxa lagu gartaa:-
Mubhamku waa xadiiska ama silsilada qof warinteeda ku jira oo aan la magacaabin.
Mar haddii aan la garanayn qofka silsilada warinta ku jira xadiis kaasi wuxuu noqonaya mid daciif ah. Waayo qofkaasi wuxuu yahayba la garan maayo. Midse ogow haddii u qofku aanu ahayn qofka warinaya xadiiska se uu ku jiro uun sida qof aan la garanayn ayaa Rasuulka CSW wax waydiyey iyadoo Saxaabaduna fadhido. Saaxaabada mid ka mid ahina xadiiskan warinayo. La odhan maayo qof aan la garanayn ayaa xadiiska ku jira. Waayo isagu silsilada warinta dhinacna kama haysto.
Xadiiska caaliga ah waxa lagu gartaa:-
Caaligu waa xadiiska lagu gaadho Rasuulka CSW xagga warinta tiro yar.
Sheekh kitaab qoray laguna kalsoon yahay.
Caaligu waxa uu u qaybsamaa laba qaybood mid “mudlaq” oo Rasuulka CSW lagu gaadhayo xagga warinta tiro yar. Mid “nisbi” oo laga daalacanayo sheekh kitaab qoray, sheekhaasi haba dheeraato xagga warinta inta uu Rasuulka CSW uu ka tirsanaye. Se sheekhu waa inuu ahaada mid lagu kalsoon yahay.
La soco Qaybta Saddexaad
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment