Sunday, February 22, 2015

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka hadlay Isku-Dhac Deegaanka Horufadhi ku Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaad Khaatumo ka tirsan

Hargeysa, 22 Feb, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa faahfaahin ka bixiyey Isku-dhac dhowaan duleedka tuulada Horufadhi ee gobolka Buuhoodle ku dhexmaray Maleeshiyo Beeleed taabacsan kooxda la baxday Khaatumo iyo kolonyo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo geeddi ahaa, kuna socday fadhiisin kale oo ciidanka Qaranku ku leeyahay deegaanka Ceegaag ee gobolka Saraar.
cadamiIsku-dhaca dhexmaray Ciidanka qaranka iyo Malleeshiyo-beeleedka oo dhacay todobaadkii, ayaa sababay dhaawacyo soo gaadhay laba ka tirsan malleeshiyaadka oo Jid-gooyo u galay ciidanka Qaranka.
Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inaanu jirin wax dagaal ah oo deegaankaas ka dhacay, balse uu jiray is-rasaasayn dhexmartay ciidamada Qaranka iyo malleeshiyaadka oo Jidkoogo u galay kolonyo Milatariga dalka ka tirsan wakhti ay marayeen duleedka tuulada Horufadhi.
“Ciidan Dhaq-dhaqaaqii waxa ugu dambaysay muddo haatan laga joogo Shan cisho, markay dhaqaaqeen waxay u socdeen meel kale oo ciidan kale oo Somaliland ahi joogo, dhulka ay sii marayeennada dhul Somaliland ah ayay ahaayeen. Markii ay marayeen meel u dhow Horufadhi, waxa dhacday Jid-gooyo. Niman Khaatumo ka tirsan baa meel u galay, Xabbado ayaa lagu riday, iyaguna way u jawaabeen,” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Somaliland.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Ciidankii halkii uu ku sii socbay buu ku soo noqday oo xataa iyagii may daba-gelin, amarna iyo fasax-na umay haysan xataa intaa dhacday maadaama ay madax-dhaqameedkii Buuhoodle hadda joogaan magaalada (Hargeysa) oo nabad-ku-wada-noolaansho laga hadlayo amar umay haysan oo fool-xumo ayay ahaan lahayn in cagta-cagta laysu saaro oo ciidamo is-eryadaan.”
Dagaalka dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyo-beeleedka taabacsan kooxda Khaatumo, ayaa ku soo beegmay xilli ay magaalada Hargeysa ku sugan yihiin madax-dhaqameed iyo wax-garad ka socdo beelaha gobolka Buuhoodle, kuwaas oo Hargeysa u jooga sidii nabadeyn looga dhalin lahaa isla markaana laysugu soo dhawayn lahaa Beelo walaalo ah oo shaqaaqooyin ka dhashay colaado muddo soo taagnaa ku dhexmareen deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment