Sunday, February 22, 2015

Madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho Booqday iyo Ujeeddada Socdaalkiisa

Muqdisho, 22 Feb, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Sabtidii shalay Booqasho ku tagey magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddanka Soomaaliya, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyey halkaas Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Raysal-wasaaraha, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda, Saraakiisha Ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.
MADAXWEYNE GEELLE OO GAADHAY MUQDISHOMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo Garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho markii ay Madaxweynaha Jabuuti soo dhaweeyeen Warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada taariikhiga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
“Waa maalin taariikhi ah in mar kale Walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle uu Muqdisho nagu soo booqdo isaga iyo Weftiga uu hoggaaminayo. Abaalka ay innoo galeen Walaalaheenna Jabuuti ma illaabi doonno, waayo? Waxay inna soo garab-qabteen xilli aad u adag, waxaana muuqata inaaney weli dedaalkaas iyo taageeradaasi ka daalin.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Naf iyo maal ayay innoo hureen Walaaleheenna Jabuuti, waxaanay Safka hore kaga jiraan dagaalka aannu dooneyno inaan Cadawga nabadda ka soo horjeeda ku cidhibtirno. Waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne ku soo dhowow dalkaaga labaad iyo shacab ku jecel, ku soo dhawoow Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.’’
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa halkaas ka hadlay, isla markaana waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida quruxda badan ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ugu soo dhaweeeyeen Masuuliyiinta sare ee Soomaaliya iyo Madaxda laamaha kala duwan ee dawladda. Waxa uu Madaxweynaha Jabuuti Qoysaska, Asxaabta, Ehelada, Qaraabada, Shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed ka tacsiyadeeyey dadkii shalay ku dhintay Weerarradii ay Argaggixisada Al-Shabaab ka fulisay Huteel Central ee magaalada Muqdisho, isagoo Illaahay uga beryey inuu inta ku dhaawacantayna caafimaad buuxa siiyo.
“Waan idin la qeybsanayaa dhibaatada shaley dhacdey, laakiin waxaan kooxaha falalkaasi Islaamka ka baxsan ku dhaqaaqaya u sheegaya in Shacabka Soomaaliyeed ay guuleysan doonaan, isla markaana argagaxa lagu hayo aanu ka joojin doonin inay gaadhaan himilooyinka ay leeyihiin oo ay ugu horreyso inay nabad buuxda iyo barwaaqo gaadhaan Illaahay idankiis.’’ Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Intaas ka dib, Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya waxay isla shalay wada dhagax-dhigeen Xarunta Akaademiga Afka Soomaaliga oo laga hirgelinayo Caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, waxay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiinta kala weheliyey labada Madaxweyne Munaasibad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo shalay oo kale caalamka laga wada Xuso.
Xaruntan ay labada Madaxweyne wada dhagax-dhigeen, ayaa loo qorsheeyey inay noqoto Madal lagu daryeeli doono Afafka dalalka Afrika oo uu ugu horreeyo Afka Hooyo ee Soomaaligu. Waxay labada Madaxweyne iyo Masuuliyiinta kale ee Madashaas ka hadlay sheegeen in daryeelka Afka Hooyo yahay waajib saaran qof kasta oo Soomaali ah, isla markaana loo baahan yahay in la dhawro Afka Hooyo, Dhaqanka iyo Hiddaha-ba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa Safarkaas uu Muqdisho ku yimi Sabtidii maanta ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, Guddomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Xaddi, La-Taliyaha Madaxweynaha Jabuutii Xaashi Cabdullaahi Orrax iyo Mas’uuliyiin kale oo dawladda Xafiiska Madaxtooyada dawladda Jabuuti ka tirsan.
Madaxweynaha Jabuuti intii uu ku sugnaa Muqdisho ee aanu ka noqon isla shalay waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Masuuliyiinta sare ee dawladda, inkasta oo aan Warbaahinta loo soo bandhigin waxyaabaha ay ka wadahadleen, haddana waxa la sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ay ka wadahadleen ka mid ahaayeen arrimaha la xidhiidha Ammaanka, Ciidammada dheeraadka ah ee toddobaadkii hore Jabuuti u dirtay Soomaaliya iyo qodobbo kale, waxaanay Jabuuti ka mid tahay dalalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ay Ciidammadu ka joogaan.
Waa markii labaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Wefti uu hoggaaminayaa Booqashadan oo kale ku yimaaddo magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddanka Soomaaliya, waxaana maanta ka horreeyey oo uu Muqdisho sidan oo kale u yimi bishii December ee sannadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Abaaro dhaliyey Macaluul baahsani ka jireen waddanka Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment