Saturday, February 21, 2015

Muwaadin Saddex Xukuumadood oo Somaliland soo maray Caddaalad-darro ka Tirsanaya oo Kansalay Muwaaddinnimadiisa, Mastaafurin-na dalbaday

Qodobbada Shuruucda dalka iyo kuwa Caalamiga ah ee uu Garyaqaanku u cuskaday go’aankiisa iyo Baaq culus oo uu Caalamka u diray

“Ma noqonayo Looma-ooyaanka Saaxil….! Kumaan ahay anigu? Madaxweynuhu isagoo og in Total la ii xukumay ayuu dalka ka saaray anigoo Wasaaradaha caawinaya!...” Garyaqaan Maxamed Xasan (Tabliiq-Sharci)

Berbera, 21 Feb, 2015 (Himilo)- Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid oo ah Muwaaddin reer Somaliland ah, isla markaana muddo dheer oo ku siman tan iyo wakhtigii Xukuumaddii Madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ay talada haysay ka cabanayey Caddaalad-darro ay kula kacday Shirkaddii TOTAL-ka ee qandaraaska ku haysatay Haamaha Shidaalka Berbera oo madaxweyne Siilaanyo dalka ka saaray dhowr sanno ka hor, Maxkamadaha iyo Hay’adaha Sharcigu waxba uga qaban-waayeen, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay guud ahaanba Jinsiyadda ama dhalashada Somaliland-nimada, isla markaana waxa uu dalbaday in dalka laga Mastaafuriyo, maaddaama oo uu caddaalad ku waayey.
Garyaqaan-Maxamed-XasanGaryaqaan Maxamed Xasan oo wakhtigan ku nool magaalada Berbera, ayaa mar uu saxaafadda la hadlayey Khamiistii dorraad, waxa uu ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga ah, Ururrada Waddaniga ah, Qaramada Midoobay iyo dawladaha dunida iyo Saxaafadda gudaha iyo dibeddu-ba inay si dhaw ula socdaan Kiiskiisa oo aan la dhayalsan, isla markaana loogu hawlgelo sidii uu xaqiisa Sharci waliba u oggol-yahay u heli lahaa ama uu dalkan uga bixi lahaa, isagoo sheegay inaanu wax caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ah toona ka filaynin Garsoorka iyo dawladda Somaliland.
Waxa uu Garyaqaan Maxamed sheegay in Caafimaad-darro haysa wakhtigan oo uu ku dhacay Xannuunka Macaanka oo u weheliya xanuunno uu hore uga qaaday Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera oo wakhtigaas ay gacanta ku haystay Shirkadda TOTAL, sidaa daraaddeedna aanu ku sii noolaan karin xaalad qallafsan ee caddaalad-darrada uu tirsanayaa ka mid tahay oo noloshiisa regaadiyey, sidaa awgeedna, sida ay dhigayaan Shuruucda caalamiga ahi uu u baahan yahay taageero iyo gurmad deg-deg ah.
Waxaanu Warbaahinta u soo bandhigay Qoraallo Dacwadaha Kiiskiisa la xidhiidha oo fara badan, Qoraalka go’aanka uu qaatay, Shuruucda dalka, Sharciyada dunida iyo Heshiisyada caalamiga ah ee uu u cuskaday go’aankan uu mastaafurinta ku dalbaday, jinsiyaddana ku kansalay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee ka-bogasho fiican:-
“JAMHUURIYADDA SOMALILAND, Taariikh: Date: 17/02/2015, KU: Wasiirka Wassaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL. KU: Guddoomiyaha Gobolka Saaxil. KU: Xafiiska Xeer-Ilalinta Guud ee Qaranka (Gobolka Saaxil);. KU: Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda; KU: Hay’adaha Caalamiga, Ururrada Xuquuqda Aadamigaha, Komishanka Qaranka ee HR iyo Ururtada Waddaniga ah ee HR; KU: Hay’adaha UNHCR, IOM,etc…. KU: Ururrada Qareennada ee (SOLLA)& (SWAL), OG: Ururka Saxaafadda Madaxa-bannaan ee JSL.
Ujeeddo:- Caddayn Ka Tanaasulid Jinsiyadda Somaliland+Diidmo Qaadasho Kaadh Aqoonsi Muwaaddinimada Somaliland oo Hal-dhinacle ah iyo Codsi in dalkan la iga-Mustaafuriyo, si aan uga Badbaado TAHRIIB, Sababo Shaqayn La’aanta SharciIyo, Jiritaan La’aanta Maxkamad Sare oo Madax-bannaan oo laga soo dacweyn karo Dawladda, Kuna Xukumi Karta Magdhaw Sababta Gefafka Maxweyneyaasha, Badhasaabyada Gobolka Saaxil iyo Maayarada + Xildhibaannada Golaha Deeg. Deg. Berbera iwm.
Waa Natiijo dhibaato ka dhalatay Dacwad Socotay Muddo 15-sannadood (from 24/09/1999 up to 17/02/2015) oo Kiiskeeda ay hore iigu fureen Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka JSL iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Sida Ku Cad labadan Warqadood ee Qoraalkaygan ku Lifaaqan ee aanidiin soo gudbinayo eeSumadahoodu Kala Yihiin Sidan:-
• Ref: WAG/XW/521/37/2000 ee Ku Tr. 06/05/2000 Iyo
• Ref: KXIG/GSB/132/99 ee Ku Tr: 18/10/1999;
• Ref: WGW/AG/14/121-12/06/04 ee Ku Tr: 18/10/2004;
Anigoo ah Muwaadin Somalilander ah oo magacaygu yahay Maxamed Xasan Siciid (ina Xasan Siciid Salli-Dhige), ahna maanta qof Garyaqaan (Lawyer) ah, xil-shaqona maanta ah Guddoomiyaha Ururka Qareennada SOLLA ee Laantiisa Gobolkan Saaxil si bilaa lacag ahna ku shaqaynayey (Voluntry Lawyer), ayaa madaxda uu Qoraalkaygan ku kala socdo kuwa Dawladda JSL iyo kuwa Caalamiga ah, iyo kuwa Waddaniga ahba aanugu soo gudbinayaa Caddayn-bixin ah in gebi ahaanba aan ka Tanaasulay Jinsiyadaydii Somalilandnimo iyo Codsigayga ah in Dalka la iga Mustaafuriyo (Declarationof Renunciation of the Somaliland Nationality and Request for Deportation imediately), iyadoo si kooban ay bogaga danbe ugu xusan tahay Qodobada Shuruucda iyo Asbaabaha keenay xaaladdan, waana sidan soo socota:
CADDAYN KA TANAASULID JINSIYADDA SOMALILAND iyo DALABIn DALKA LA IGA MUSTAAFURIYO ama HAY’ADAHA UN-ta LA IGU WAREEJIYO: (Declaration of Renunciation of the Somaliland Nationality and Request for Deportation). Anigoo ah Muwaadin Somalilander ah oo magacaygu yahayMaxamedXasanSiciid (ina Xasan Siciid Salli-Dhige), ahayna qof Garyaqaan (Lawyer) ah oo muddo badan dersayey Shuruucda Caalamka iyo Xeerarka socdaaladaba, Anigoo tilmaamaya aqoonsiga Haybtayda Muwaadinimo kana duulaya Aayadda13aad ee Suuradda Al-Xujuraat oo lala akhriyo Qodobka4aad eeDastuurkaJSL, sida ku cad magacayga iyo abtirsiintayda ku sharaxan Sawirkaygan Kurta ah halkan ku dhejisan, ayaa anigoo miyirkayga qaba, maskaxdayduna taam tahay aan halkan madaxda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland aan ugu soo gudbinayaa Caddayn-bixintaydan iyo Dalabkangan u dhigan sidan:-
CADDAYN BIXIN (Declaration): Maanta (Wakhtiga Warqadda uu qoray Garyaqaanku) oo taariikhdu tahay (ahayd) 17/02/2015 ayaa anigu;: • Waxaan caddaynayaa In aan Diiday Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga MuwaadinimadaSiomalilandee Hal-Dhinaclaha ah (Unilateral Somaliland Citizenship Identity Card), ee 23-sanadood ka dib ay Dawladdu maanta bixintiisa ku hawlan tahay, kaasoo ah Kaadh Aqoonsi Muwaadinimo oo Bilaa Qiimo ah (the Valueless Citizenship Identity Card), ee maantaMadaxweyne Siilaanyo iyo MaayarKa HAYBTII GARANWAAGA ah ee Berbera C/shakuur Cidin ay qaateen, ujeedada bixintiisuna tahay oo keliya in loogumuraad-QumiyoSiilanyo iyo Musharixiinta Jagada M/weynenimo ee Doorasho u tartamaysa, oo iyaga iyo inta Xilalka ay u magacaabaan iyo inta u Nacamlaysa oo keliyi ay ahaato Muwaadiniinta Dhabta ah ee xaqa u leh inay manaafacsadaan Dawlanimada, yeeshaana keligood Dhismeyaasha waawey ee Berbera iyo Hargeysa iyo Buqcadaha Dhulka ee istraatiijiga ah (I Hate them);
• Waxaan caddaynayaa In gebi ahaanba aan ka tanaasulay Jinsiyadaydii Somalilandnimo, isla markaasna laga bilaabo saacadan ahay Qof aan Muwaadin ahayn (Non-Citizen) iyo Qof Dal-Laawe ah (Stateless person) oo magangelyo doon ah (Asylum Seeker) si waafaqsanQodobka7(1)aadee XeerkaJinsiyadda (Xeer Lr. 22/2002) oo lala akhriyo, Article 14 of the UDHR, iyo Article 15 of the ICPPR, iyo Qodobada Shuruucda xaga hoose ku xusan (taxan).
CODSI MUSTAAFURIN (Request for Deportation and by way of UNHCR or IOM, etc):
Waxaan ka dalbayaa Dawladda Somaliland iyo madaxda kaleba in la iga baajiyo TAHRIIB iyoDhibaato Safar Hayaan, Inay iga aqbasho codsigaygan soo socda ee u dhigan sidan:
1. In Dalkayga la iga Mustaafuriyo (la iga saaro), la iina Mustaafuriyo Dal Shisheeye oo leh Nidaamisku-Xukun Sharci (Rule of Law), lehna Dawlad Xil-kas ah (Credible Government) oo ku dhaqanta Shuruucda iyo Xeerarka u dejisan dalkaas iyo kuwa Caalamiga ahba, oo ixtiraamta Xuquuqaha Bani Aadamka (Human rights) gaar ahaan xuquuqaha Dadyaowga Dal-laaweyaaasha (Stateless persons), kuwa Qaxootiga ah (Refugees) iyo kuwa Magangelyo doonka ah (and the Rights of Asylum seekers), ee dalalkoodii hooyo uga soo haajiray, sababo Shuruucda dalkooda oo shaqayn weyday, iyo madaxda dalalkooda oo Rabitaankooda iyo Caqliyadooda yar wax ku xukuma, kuna xadgudbay xuquuqdooda, sida madaxdan Somaliland ee isku shaqaysanaya, kuna xadgudbaya xuquuqahaygii Muwaadinimo, deegaanimo, iyo Dadnimoba;
2. In Dawladdu ay igu wareejiso Hay’adaha Caalamiga ah sida UNHCR,IOM, EEC, etc., si madaxda Hay’adahaasi ay si nabdoon oo sharci ah ay dalka iiga saaraan, iyagoo gudanaya Waajibaadkooda Sharci ee ku xusan Shuruucda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha iyo xuquuqaha dadka Dal-laawaha iyo Qaxootiga magangelyo doonka ah (the rights of a stateless persons, Refugees, and the asylum seekers), shuruucdaas oo ku lifaaqan qoraalkaygan;
3. In Wasiirka Arrimaha Guduhu uu guto waajibaadkiisa Sharci ee ku xusanQodobada 34aadiyo 35aad ee Xeerka Socdaalka Somaliland (Somaliland Immigration Law No. 72 of 27/11/1995) oo ka hadlaya Dadka laga saarayo dalka iyo Habka Fulinta Ajnebiga aan la Dooneyn; maadama aan idiinka tegay dalkii iyo idiinkana tanaasulaya jinsiyadii.
QODOBBADA iyo SHURUUCDA AAN CUSKADAY EE DIFAACAYA XUQUUQDAYDA:
Madaxda Sharafta mudan ee Qoraalkaygani uu ku kala socdo ee Dawladda, Hay’adaha Caalamiga, Kuwa Xuquuqal Iinsaanka, Ururada Rayidka, Ururada Qareenada iyo Ururka Saxaafadda madaxa banana waxaan dhammaantiin halkan aan idiinku soo bandhigayaa Qodobada iyo Shuruucda Caalamiga ah ee aan cuskanayo, ee jidaynaya isla markaana difaacaya xuquuqdayda Qofnimo, waxaana idinla gudboon in aad gudataan Waajibaadkiina, oo aad iga saartaanDalkan ay kolba ka talinayaan Kooxo isku shaqaysanaya oo Rabitaankooda wax ku xukumaya (Will of the Rulers) ee ku xadgudbay xuquuqahaygii, isuna arkayn in iyaga Sharcigu qabanayo, waana sidan shuruucdu:-
• Xeerka Jinsiyadda (Xeer Lr. 22/2002)Qodobka7(1)aad oo lala akhriyoQodobada4aad,10(2)aadee Dastuurka JSL, eeKa tanaasulidayda Jinsiyadeed; Xeerarka, Shuruucda iyo Heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan qofka sababo cad oo caddaalad-darro, ammaan-darro iyo dhibaatooyin siyaasadeed uga tanaasula Jinsiyadda dalka uu dhashay oo uu waxyaabahaas ka heli waayey inuu xaq u leeyahay in dalalka caalamku magan-galyo buuxda iyo dal-ku-noolaansho siiyaan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxaan xaq ugu leeyahay In ay isiiso Baasaboorka Dadka Ajaanibka ah loogu talo galay (an alien’s passport) si aan dalka uga baxo si waafaqsan (Articles 25, 27 and 28 of the 1954 Convention Relating to the Status of Stateless Persons) oo lala akhriyo Qodobka 10(2)aad ee Dastuurka Somaliland, (because I am not possess a valid travel document from country and also I Renounce your Nationality, and Refused to take Your Citizenship/Nationality ID).
Soomaalidu waxay tidhaahdaa Hadal badan haamo lagama buuxsho, marka kiiskaygan oo dawladda iyo cid walbaaba ay kawada warhayso, dib ugu noqon maayo qisadiisa, halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa saddexdan murti-Dhaqameed oo si dhab ah uga turjumaysa xaaladayda, damaqa dareenkayga iyo inta ay le’eg tahay dhibta maanta dalkayga iga saartay, murtiyahaas oo iskood isu fasiraya, waay u dhigan yihiin sidan:- ‘Awr Xammulkii Wuu Qaadaa, Xadhig Qaloocanse Ma Qaado… Rag Caddaalad Waayey, Sidii Cawsha Kala Yaac. Nin Ku Yidhi Sinnaan Mayno, Adna Diid Sarayntiisa.’
Shuruucda caalamku waxay mamnuuceen in dawladuhu ay dadka ajaanibka ah iyo kuwa magangelyo doonka ahba ay ka Mustaafuriyaan dalalkooda. Haddaba, Anigoo arkaaya xaaladdayda adag ee aan ku suganahay iyo dareenka xanuunka badan ee dabada iga riixaya iina diiddan inaan sii joogo dalkaygan iyo deegaankaygan iyo inaan madax ka dhigto oo aan isku halleeyo kooxo xulafo ah oo isku shaqaysanaya oo dalkan iyo deegaankayga ka ah Madaxweyne, Maayer iyo Xildhibaanno Gole Deegaan Degmada Berbera oo la doortay oo ku xad-gudbaya Dimuquraadiyadda iyo Nidaamka Isku Xukunka sharci (Rule of Law) iyo Madax-baannanida Garsoorka Maxkamadaha (independence of the Judiciary) kuna shaqaynaya (Will of the rulers), arkayana duruufaha igu xeeraniba oo aan ka baqayo inay si sibiq ah ii dhaqaajiyaan, oo hab ismaqiiqid ah aan dalkan kaga baxo, ayaa madaxda Dawladda iyo madaxda Hay’adaha ee qoraalkaygani uu ku socdo waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Afar arimood oo Mustaafurinta aan ku doortbiday, waana kuwan afarta sababood oo kala ah sidan:-
• Sabab Sharci: waxaan ahay Qof Garyaqaan (Lawyer) ah, oo anigu ma awoodo inaan sifo Sharci-darro ah ku galo xuduud (illegal immigrant) Dalal Shisheeye, oo waxa aniga isaaran waajibaad ah inaan ixtiraamo Shuruucda iyo Nidaamka Xeereed ee ay dejisteen dalalku;
• Sabab Caafimaad: waxaan ahay Qof qaba xanuunka Macaanka (Diabetic patient), xanuunkaas oo aan ii saamaxayn inaan galo Sacdaal Silic iyo Rafaad badan oo qadoodi iyo gaajoba leh;
• Sabab Dhaqaale: Anigu ma hayasto lacag aan ku socdaalo, oo aan iskaga bixiyo Kharashaadka kala duwan ee igu baxaya mudada Safarkayga Hayaamida ah; iyo
• Sabab Diineed: Diinta Islaamku waxay iga mamnuucday inaan Naftayda geliyo BIIMO iyo MAHLAKO, waayo Nafta Aadamuhu waa Qaali, si waafaqsan Aayadda195 ee SuuraddaAl-Baqara, oo u dhigan sidan:-
Dariiqa MUSTAAFURINTU Waa Hab Ammaan ah oo ka Nabdoon TAHRIIBTA (Deportation is a Secure and Safety way than the illegal imigrant). Marka loo eego xaaladayda, dareenkayga kacsan iyo duruufaha igu xeeranba, Mustaafurintu waa dariiqo Sharci ah oo Qof ama Dad lagaga saaro Dal, waana dariiqo nabdoon oo ka ammaan badanTAHRIIBTA.
Waayo Qofka ama Dadka la mustaafurinayaa waxay ku gudo jiraan gacan Masuuliyad Dawladeed (under the Responsibility of Government or/and states), oo waa nidaan ah Dawlad ilaa Dawlad kale. Sidaas dartedna, markaan anigu eegay xaaladayda iyo duruufaha igu wareegsan, ayaadariiqa biimada khatarta badan ee iyo Sharcidarada ah ee TAHRIIBO, waxaan ka doorbiday in dalkayga aan kaga baxo dariiqa Dawladeed ee Mustaafurinta ah ama nidaamyo Sharci ee dariiqa Hay’adaha Caalamiga ah (by UNHCR, IOM, or/and through the International Human Rights Organizations, etc)..”
Garyaqaan Maxamed Xasan waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo uu Shirkadda TOTAL ee dalka keeni jirtay Shidaalka, isla markaana maamuli jirtay Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera uu dalka ka saaray isagoo og Kiiskiisa. “Anigu noqon maayo; ‘Looma-ooyaanka Saaxil’. Kumaan ahay Anigu? Madaxweynuhu isagoo og in Total la ii Xukumo waxa uu dalka ka saaray Total anigoo caawinaya Wasaaradaha dawladda oo Tabliiq-Sharci ah.” Sidaa ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Xasan. Waxaanu sheegay inuu xaq ugu lahaa in Madaxweynuhu xaqiisa Sharci u doono, ka dibna hadduu rabo eryo Total.
Waxaanu dalbaday inay Masuuliyiinta dawladda Somaliland, Hay’adaha Caalamiga ah, Dawladaha Dunida iyo Ururrada Waddaniga ahiba ay si dhaqso ah ugu hirgeliyaan go’aankiisa ah inuu ka noqday Jinsiyadda Somaliland, isla markaana si nabadgelyo ah dalka looga Mastaafuriyo, sidoo kalena uu helo Xaqa ay Shuruucda caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahiba u oggol yihiin ee ah in loo saaro dal uu si nabad iyo caddaalad ah ugu noolaan karo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland Garyaqaan-Maxamed-Xasan

No comments:

Post a Comment