Shirkan oo noqonaya kii 12aad ee la qabto, waxa soo qaban qaabisay hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo DIHAD oo marti-qaad rasmiya u fidisay Guddoomiyaha Diiwaanka Sekada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, iyadoo shirweynaha sanadkiiba mar lagu qabto dalka isu-tagga imaaraadka Carabta. Ugu horreyn furitaanka shirweynaha waxa ka hadashay Marwada Amiirka Dubai Haya Bintu Xuseen oo ka warantay faa’iidada uu leeyahay shirkan iyo sidii taageero bini’aadanimo loogu fidin lahaa dadka tabaalaysan ee ay la soo daristay dhibaatooyinka baaxadda leh ee bini’aadanimo, si loo yareeyo faqriga, loona taageero dalalka dhibaatooyinka bini’aadanimo ka jiraan sida dagaalada iyo aabaruhu, waxa sidoo kale shirka ka hadlay madax kala duwan oo ka kala socotay dalal badan oo adduunka ah, kuwaasoo hoosta ka xarriiqay in taageero buuxda loo fidiyo dadka saboolka ah iyo taakuleynta waddamada uu ka jiro dhibaatooyinka bini’aadanimo, kuwaas oo ay xuseen in loo baahan yahay in gacmaha la isku qabsado sidii loo caawin lahaa, waxaana sidoo kale ay sheegeen in lagu lafa-guri doona sidii la isaga kaashan lahaa dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka jira qaar ka tirsan waddamada adduunka inta uu shirku socda. Waxaana la filayaa in la gabagayn doono shirka toddobaadkan gudihiisa.Guddoomiyaha Diiwaanka Sekada Somaliland Sheekh Siciid Maxamaed Faarax Jire waxa uu ka warramay ka qeyb-galka shirkan, waxaana uu sheegay in Somaliland lagu casuumay shirkan, iyada oo uu xusay in sanad kasta Somaliland ka qeyb-geli doonto shirweynahan caalamiga oo sheegay inuu faa’iido weyn ugu fadhiyo Somaliland, waxaanu xusay sidii taageero loogu fidin lahaa Somaliland. Sheekh Siciid waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga qeyb galo shirarkan oo kale, kuwaas oo uu tilmaamay in ay faa’iido weyn u leeyihiin Somaliland.
Waa markii ugu horraysay ee Guddoomiyaha cusub ee Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland uu ka qeyb-galo shirweyne noocan oo kale ah, waxaana la filaya inuu dhawaan ku soo laabto dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment