Friday, March 27, 2015

Sucuudiga Oo Duqaymaha Uu Yemen Ka Wado Fasax Uga Weydiistay Dawladda Federal-ka ah Iyo Somaliland Oo Aan Wali Lasoo Wargelinin

eroRiyadh:Mar,27,2015(Himilo)-Kadib duqaymo si lama filaan ah Sucuuudiga diyaaradahiisu uga Bilaabeen Hawada Waddanka Yemen, ayey Fasax la xidhiidh Adeegsiga Diyaaradahaas ee Hawada Somalida Fasax u weydiisteen Dawladda Federal-ka Somalia.

Dalabka Sucuudiga oo sida warbaahinta Caalamku qortay gaadhay Dowladda Somalia, ayaan lagu soo darin fasax somaliland Hawadeeda la xidhiidha, iyadoo xuduudda ugu badan ee Dhinaca Badda ah ay Yemen la leedahay Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Sibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa la filayaa inuu u kicitimo magaalada Riyadh, isagoo haatan ku sugan dalka isu taga Imaaraadka Carabta, waxana la rajaynayaa in arrinta Hawada si weyn loogu falanqayn doono halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Wasiirka kala hadlo dowladda Sucuudiga howl galka Sacuudiga hogaaminayo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, waxaana sacuudigu mamnuucay hawada Yemen iyo badda in maraakiib ka soo dhowaadaan.

Dowladaha Khaliijka ayaa durba diyaarado ku yaboohaya howl galka sacuudiga hogaaminayo, waxaana dalalka Jordan, Imaaraadka Carabta, Kuwait ay u soo direen diyaarado xarumaha ciidamada Cirka ee Sacuudiga leeyahay.

Sidoo kale dowladaha Pakistan, Sudan iyo Masar ayaa iyana sheegay inay ka qeyb qaadanayaan howl galka lagu difaacayo dowladda sharciga ah ee Yemen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment