Friday, March 27, 2015

Magacyada Somali Lagu Helay Ka-ganacsiga Maandooriyaha Qaadka Oo Lagu Xukumay Gudaha Waddanka Maraykanka

tocoRojester:Mar,27,2015(Himilo)-Laba kamid ah Soomaalida Maraykanka Ku nool, ayaa min laba sano oo xadhig ah lagu riday kadib markii lagu helay inay ku Hawllanayeen Ka-ganacsiga Maandooriyaha Qaadka oo waddankaas Mamnuuc ka ah.

Ahmed Aadan iyo Bayaan Yuusuf oo deggan magaalladda Rojester ee duleedka magaalladda New York ayaa beeniyey Eedeymaha lagu soo oogay, waxana ay tilmaameen inaanay ku jirin dadka qaadka ka ganacsada.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka, Erik Shinderman ayaa lagu xusay inay Eedeysanayaashaasi yihiin Madaxda Shabakad isku xidhan oo si kontorobaan uga ganacsata Qaadka oo mamnuuc ka ah dalka Maraykanka.

Maxkamadda ayaa la hor keenay Qoraal ka kooban 88-bog iyo Caddaymo Codod oo ay soo gudbiyeen Saraakiisha Waaxda Sirdoonka ee Boliska magaalladda New York

Sidoo kale, Maxkamadda magaalladda Rojester waxaa la soo taagay Eedeysane kale oo lagu magacaabo Yadeta Berki oo haysta Dhalashadda dalka Britain, kaasi oo la sheegay inuu qaadka geyn jirey Dalalka Britain, Holland, Beljim iyo Shiinaha.

Eedeysanaha ayaa lagu soo oogay inuu dhowr tan oo Qaad ah u soo diri jirey Axmed Aadan iyo Bayaan Yuusuf, tan iyo bishii October ee sannadkii 2013-kii.

Eedeysanaha ayaa beeniyey dembiga lagu soo oogay, waxaana la filayaa in lagu xukumo xabsi saddex sanno iyo ganaax dhan 150-kun oo Dollar.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo ay Maxkamad ku taalla Gobalka New York xukunno ku ridaan dadka ka ganacsada Qaadka.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment