Dhakhtar u dhashay dalka India ayaa go’aansaday in uu qaliino wadnaha ah oo lacag la’aan ah u sameeyo ilaa 1,000 carruura oo ka soo jeeda qoysas danyara.
Ninkan dhakhtarka ah oo lagu magacaabo Dr Shamseer Avail ayaa sheegay in uu dhamaystirayo qaliinka kunka carruurta ah uu u fidin doono, kadib markii la ogaaday in carruurtani u baahan yihiin in qaliino wadnaha lagaga sameeyo, carruurtan oo waddamo kala duwan oo adduunka ah ka kala yimid ayaa guud ahaan ka soo jeeda qoysas danyara oo aan dhaqaale ahaan awoodi Karin inay u tagaan ama u geeyaan dhakhaatiirta ay u baahan yihiin carruurtoodu.
Dr Shamseer Avail waxa uu ka bilaabay qaliinkan tabbarucaadka ah ama lacag la’aanta ah xaruntiisa guud oo ku taala Abu-dhabi isagoo hadda dhamaystiray ilaa 150 qof oo uu qaliin wadnaha ugu sameeyey kuwaasi oo ka mid ahaa kunkii qof ee carruurta danyarta ahaa ee uu hore u balanqaaday in uu qaliinada u samayn doono.
Waddamada carruurtani ka kala yimaadeen ayaa kala ah India, Bangladesh, Iraq, Ethiopia, Morocco.
Dhinac kale qaramada midoobay (United Nations) ayaa u balanqaaday Dr Shamseer Avail in ay ka caawin doonan sidii uu adeegan caafimaad ee uu kawado Abu-dubai u gaadhsiin lahaa kumanaan carruura oo ku nool qaarada Afrika una baahan gargaar caafimaad oo lala gaadho.
Dr Shamseer oo ah ninka qaliinka wadnaha ka wada dalkaasi Emairate-ka ayaa sheegay in hawshan adeega caafimaad ee uu bilaabay ay qaadanayso wakhti dhan ilaa 5 sanno ah, oo hadda 150kii carruurta ahaa ee ugu horreeyey u sameeyey qaliin wadnaha oo lacag la’aana, waxaana adduunku u qoonsaday inuu yahay ninkii ugu horreeyay dhinaca samafalka dadka adduunka ku dhaqan maadaama uu hawlo gargaar bini-aadanimo oo aad u muhiima u fideyey kumanaan carruur danyara oo aan haysan dhaqaale ay dhakhtar iskaga daaweeyaan isla markaana la ildarnaa xanuuno ka asiibay qaybaha jidhka bini-aadamka ugu muhiimsan oo ah wadnaha kaasi oo bilaasha ah.
Dr Shamseer ayaa la guddoonsiiyey shahaado samafal caalamiya ee loo yaqaan (Global Humanitarian Award) waxaana xaflad loogu qabtay xarunta qaramada midoobey ee Guinea oo ay ka soo qaybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan qaramada midoobay.
No comments:
Post a Comment