Raid, 17 May, 2015-(Himilo)- Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday hawlgal ay Ciidammada sida gaarka ah u tabobbaran ee ka jooga dalka Ciraaq hawlgal ay sameeyeen ku dileen nin lagu magacaabo Abu-Sayaaf oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Hoggaamiyahan oo lagu dilay Saldhig ay Kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee Daacish ama ISIS ku lahayd Bariga waddanka Suuriya, gaar ahaan Buurladayda lagu magacaabo Raid oo ka tirsan deegaanka Deir al-Zour ee Bariga Suuriya, waxaana hawlgalkaas fuliyey Ciidanka sida gaarka ah u tabobbaran ee Maryakanka ka jooga Ciraaq oo adeegsanayay diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca, waxaanay halkaas ku dileen sida ay dad goob-joogayaal ahi u sheegeen BBC-da illaa 13 ruux oo kale oo ka tirsanaa Daacish, kuwaasoo ay dadka deegaanku Meydadkooda arkeen, halka tiro intaa ka badan oo Daacish ka tirsani ay ku dhaawacmeen hawlgalkaas.
Waxa ay Wasaaradda Difaaca Maraykanku intaas ku dartay oo ay sheegtay inay sidoo kale Ciidammada hawlgalkan ka fuliyey gudaha dalka Ciraaq ee Maraykanku ku guulaysteen dilkaas ka sokow inay gacanta si buuxda ugu dhigaan Xaaska Hoggaamiyaha ay dileen ee Daacish ka tirsanaa.
Weerarkan oo dhacay xilli habeen ah oo ku beegnayd habeen-hore ama habeennimadii Sabtidu soo galaysay, ayaa lagu sheegay in lagu bartilmaansaday Hoggaamiye Abu-Sayaaf oo Xukuumadda Maraykanku ku sheegtay in uu ahaa Ninkii Ururka Daacish u qaabbilsanaa dhanka dhaqaalaha, kaasoo suuq madoow ku iibin jiray Saliidda, iyadoo dhaqaalaha ka soo baxa uu Ururka Daacish ku fuliyo weerarrada dagaallada ay ka wadaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Aqalka Cad ee waddanka Maraykanka looga taliyo, ayaa sheegay in Madaxweyne Barack Obama uu gelinkii dambe ee Jimcihii ku amray Wasaaradda Gaashaandhigga in ay Ciidammada sida gaarka ah u tabobbaran ee Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq fuliyaan hawlgalkaasi, kuwasoo amarkaas qaatay, isla markaana fuliyey hawlgalkaas oo ay ku dileen Abu Sayaaf, kaasoo dhalasho ahaan la sheegay inuu ka soo jeedo waddanka Tanzania.
Xaaska Hoggaamiyaha la sheegay in la dilay, ayaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigtay, taasoo lagu sheegay Haweenay lagu magacaabo Umma Sayaaf, oo hadda lagu hayo xarun uu Mareykanku ku leeyahay dalka Ciraaq iyo sidoo kale weerarkaasi xorriyadeeda dib loogu soo celiyey Gabadh yar oo ka tirsan Bulshaa Yasiidi ee halkaas lagu haystey.
Bernadette Meehan oo ah Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka Mareykanka, ayaa sheegtay in wax khasaare ahi aanu Ciidanka hawl-galkaas fuliyey soo gaadhin, isla markaana ay iyaga oo bad-qaba ku laabteen goobaha Millateri ee Maraykanku ku leeyahay Ciraaq ee ay marka hore duullaanka qorshaysan ka qaadeen.
Himilomedia
Hargeysa- Somaliland
No comments:
Post a Comment